Masar: Weerar uu geystay libaax badeed oo dhimasho sababay

Image
Qofka ku geeriyoodey falkan ayaa waxa uu u dhashay waddanka Talyaaniga.

QAAHIRA, Masar - Weerar uu geystay libaax badeed oo ka dhacay xeebaha Badda Cas ee Masar ayaa waxa uu sababay dhimashada hal qof oo dalxiise ah mid kalena waa uu ku dhaawacmay.

War qoraal ah oo ay soo saartay wasaaradda deegaanka ayaa lagu sheegay in shilkan Axaddii uu ka dhacay waqooyiga Marsa Alam, oo ah magaalo loo tamashle tago oo ku taal bariga Masar oo caan ku ah quusayaasha.

Waxay intaa ku dartay in weerarku ka dhacay "bartamaha badda iyo meel ka baxsan goobta dabaasha ee loo qoondeeyey". Tani waxay ka dhigan tahay xadgudub uu dhibanuhu sameeyya.

Iyadoo wasaaraddu ay sheegtay oo keliya in labada qof ee la dilay ay ahaayeen ajaanib, haddana wakaaladda wararka ee AFP ayaa sheegtay inay u dhasheen dalka Talyaaniga.

Ninka dhintay oo 48 jir ahaa ayaa deganaa magaaladda Rome ee caasimadda Talyaaniga, halka qofka dhaawacmayna uu ahaa 69 jir, sida ay sheegtay AFP.

Saraakiisha Masar oo magacyadooda ka gaabsadey ayaa sheegay in labada dalxiise loo qaaday isbitaal ku yaalla Port Ghalib, oo qiyaastii 30 mayl waqooyi ka xigta Marsa Alam.

Goobta lagu dabaasho ee Marsa Alam ayaa gabi ahaanba albaabadda loo laabay, waxaana la baarayaa dhacdada iyo qaabka ay ku timid, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

10-kii sano ee la soo dhaafay, waxaa la xaqiijiyay dhimashada afar dhimasho ah oo ka dhashay weerarrada libaax badeed ee Badda Cas, sida lagu sheegay xog uruurin.

Sikastaba ha ahaatee, kiiskii ugu dambeeyay ayaa waxaa la diiwaan-geliyay inuu dhacay bisha June sanadka 2023 meel u dhow Hurguda wuxuuna ku lug lahaa nin 24 jir ah oo Ruush ah. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Imaaraadka Carabta oo ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah oo laga sameeyo Itoobiya

Imaaraadka ayaa sheegay in xaaladda cusub ay khatar ku tahay midnimada, madaxbannaanida iyo xasilloonida Itoobiya.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 12:34PM

Aliko Dangote oo dhisaya dhuun shidaal oo Itoobiya iyo Jabuuti isku xiri doonta

Jabuuti ayaa iyaduna ka faa’iidi doonta mashruuca, iyadoo la filayo inay kordhaan shaqooyinka, dhaqdhaqaaqa dekedda iyo dakhliga dowladda.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 05:29AM