Mas'uul dalbaday in loogu magac-daro cunug u dhalanaya Fanaan

Image
Image

NAIROBI, Kenya – Gudoomiyaha magaala madaxda wadanka Kenya ayaa baraha bulshadda wuxuu ku dalbaday in loogu magac daro cunug u dhalanaya fanaan.

Mike Sonko, gobanatooraha magaaladda Nairobi, ayaa nan sameynin yabooh hadii loogu magac daro ilmaha uu filanayo heesaaga caanka ah ee Diamond Platnumz.

Platnumz ayaa waxaa u dhexda gabar u dhalatay dalka Kenya, Tanasha Donna, taasi oo ay wada jiraan muddo dhowr sano ah isla markaana haatan Uur u leh.

Sonko ayaa rabitaankan wuxuu ku muujiyey muuqaal aad looga fal-celiyey uuna soo dhigay akoonadiisa gaarka ah ee uu ku leeyahay baraha bulshadda.

"Hadii uu cunuga ku dhasho Nairobi, [caasimadda Kenya], waa in aniga laygu magac daraa, balse hadii kale, waan soo hambalyeen doonaa," ayuu ku kaftamay.

Codsigan ayaa noqdey mid kamid ah mawduucyadda ay aadka u hadalayso warbaahinta Kenya si gaar ah kuwa arrimaha bulshada kawaranta, oo siyaabo kala duwan u falanqeynaya.

Sikastaba, lamaanaha ayaa nan weli ka jawaabin dalabka ka yimid Mike Sonko, kaasi oo kamid ah siyaasiyiinta aadka ugu dhow madaxweyne Uhuru Kenyatta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Kenya oo Islii ku Qabtay Dharka Tuutaha oo loo waday Al-Shabaab

Saraakiisha amniga Kenya ayaa sheegay in hawlgalkan uu dhabar-jab weyn ku yahay saadka iyo qorshayaasha kooxda Al-Shabaab.

  • Afrika

    09-04-2026

  • 06:19AM

Madaxweynaha Zimbabwe ee qorsheynaya inuu xukunka hayo inta ka dhiman cimrigiisa

Hopewell Chin’ono oo ah weriye baaritaanada sameeya isla markaana u ololeeya la dagaallanka musuqmaasuqa.

  • Afrika

    05-04-2026

  • 12:29PM