Mas'uul loo xiray in uu lumiyey furaha keydka Imtixaanka dowladda

Image

NAIROBI, Kenya – Mas'uul ka tirsan laamaha ammaanka ismaamul goboleed ka tirsan waddanka Kenya ayaa waxaa lagu sameeyay shaqo joojin lana xiray markii ay lumisey furaha keydka imtixaanka dowladda.

Caawiyaha/ku xigeenka taliyaha booliska Lukenya ayaa lumisay fureyaashii konteenar ay ku jireen imtixaanka soo aadan.

Elizabeth Karitu oo la qabtay habeenimadii Sabtida ayaa lagu hayaa saldhiga booliska xaafada Parklands ee magaaladda caasimadda ah ee Nairobi.

Taliyaha bileyska ismaamulka Machakos ayaa u sheegtay wariyeyaasha in ay su'aallo waydiin doonan haweenayda.

Sidda laga soo xigtay Elizabeth Maina, furaha ayaa la waayey markii ay aadey Isbitaal ayna dabley jabsadeen gaarigeeda.

"Waxay sheegtay in ay aadey Isbitaal ayna soo laabatay iyadda oo Boorsadeeda uu ka maqan yahay alaab kale oo ay ku jiraan fureyaasha," ayay warbaahinta maxaliga ah kasoo xigatay Axada maanta ah.

Qorsheyaal lagu bedelayo Elizabeth Karitu ayaa socda, sidda ay ka dhawaajisay Ms Maina, oo aan tafaasiil dheeri ah bixin.

Elizabeth Maina ayaa hoosta ka xariiqday in ay socdaal dedaalo lagu xaqiijinayo bad-qabka konteenarka, halkaas oo ay ku keydsan yihiin waraaqadaha Imtixaanka dowladda ee soo aadan.

"Amniga sarre ayaa loo qaaday halka uu yaalo konteenarka dedaalada bedelayo furaha albaabka ayaa socda," ayay xustay, iyadda oo raacisay in aysan jirin sabab keeneysa in xaalad digniin ah ay shaaciyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Itoobiya oo ku eedaysay Eritrea, Suudaan iyo Masar inay taageeraan kooxaha hubaysan

Taliyaha guud ee ciidanka Itoobiya, Birhanu Jula, ayaa dhammaadkii toddobaadkii sheegay….

  • Afrika

    29-09-2026

  • 07:50PM

Imaaraadka Carabta oo ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah oo laga sameeyo Itoobiya

Imaaraadka ayaa sheegay in xaaladda cusub ay khatar ku tahay midnimada, madaxbannaanida iyo xasilloonida Itoobiya.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 12:34PM