Mas'uul si qasab ah lagu geliyey karan-tiil markii lagu tuhmay COVID19

Image

NAIROBI, Kenya – Barasaabka ismaamul goboleedka Kilifi ee waddanka Kenya ayaa si qasab ah waxaa lagu geliyey karan-tiil muddo 14-maalmaamood ah, sidda ay ku warantay warbaahinta maxaliga ah.

Sidda ay saxaafada kasoo xigtay Wasaaradda Caafimaadka, talaabadaas ayaa ka dambeysay markii Gideon Saburi uu diidey in uu galo mudada huuriska xili uu safar kaga yimid Jarmalka.

Saburi, oo ku adkeystay in uusan qaadin Coronavirus, ayaa la wariyey in uu 1-dii bishaan Maaj kasoo laabtey Jarmalka, halkaasoo socdaal shaqo uu ku gaarey.

Saraakiisha caafimaadka garoonka ayaa xiligaas kula talisay in uu gurigiisa ku negaado muddo 14-maalmood ah, balse wuu ka dhega-fureystay baaqaas, isagoo shaqadiisa iska watay.

Warfidiyeenka ayaa tabisay in dadka degaanka ay carro ka muujiyeen arrintaas, isla markaana ay Saburi ku sifeeyeen "hogaamiye daneyste ah oo aan u qalmin in uu majaraha u hayo gobolka".

Taageereyaashiisa ayaa talaabada karan-tiilka lagu geliyey ku qeexay "xarig" hase ahaatee, waxaa gaashaanka ku dhuftay Xildhibaanada oo sheegay in uu la xiriiro ka hortagga COVID-19.

Kenya ayaa diiwaan-gelisay 15-kiis oo xanuunkaas dilaaga ah. Dowladdu waxay soo rogtay in la xiro Masaajida, Kaniisadaha iyo Makhaayadaha si lamid ah waxay joojisay duulimaadyada caalamiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM