Maxaa ka cusub xiisadda webiga Nile ee u dhaxaysa Itoobiya iyo Masar?

Image

ADDIS ABABA - Itoobiya ayaa Masar ku boorisay in ay dib u eegis ku sameyso "hab-dhaqankeedda gardarada ah" ee ku saabsan biyo xireenka Nile, iyadoo ay sii kordheyso xiisadda ka dhalatay mashruucan.

Baaqan ayaa imaanaya iyadoo Masar ay dhawaan warqad u dirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, oo ku eedeysay Itoobiya inay ku xad-gudubtay sharciga caalamiga ah, kaddib markii ay sameysay tallaaboay ku dhamaystirayso masharuuca biyo-xireenka iyadoo aan la heshiin Masar.

Biyaha Webiga Niilka Buluuga ah ee Itoobiya, ayaa ahaa qodob la isku haysto tan iyo markii dhismihiisa la bilaabay 2011. Itoobiya waxay u aragtaa biyo-xireenka mid muhiim u ah horumarkeeda, iyada oo ujeeddadeedu tahay in malaayiin qof la siiyo koronto bilaash ah. Si kastaba ha ahaatee, Masar oo si weyn ugu tiirsan biyaha webiga Niil, ayaa ka cabsi qabta in biyo-xireenka uu si weyn u dhimo qaybteeda biyaha, taasoo keeni karta khatar cusub, maadaama ay ku tiirsan tahay webiga.

Jawaabta ay Itoobiya ka bixisay eedaymaha Masar waxay ahayd mid adag, waxayna ku nuuxnuuxsatay muhiimadda uu biyo-xireenku u leeyahay horumarka dalka, waxaanay Masar ku boorisay inay gasho “gorgortan dhab ah” oo ku salaysan shuruucda caalamiga ah.

Dawladda Itoobiya ayaa sidoo kale iftiimisay sida ay uga go’an tahay heshiiska qaab-dhismeed ee iskaashiga ee ku saabsan webiga Niilka, kaas oo ay dhawaan ansixisay, ujeeddadiisuna tahay sidii loo kobcin lahaa iskaashiga dalalka webiga Niil mara.

Wadahadalladii u dambeeyay ee u dhaxeeyay Itoobiya, Suudaan iyo Masar ayaa ku dhamaaday natiijo la’aan, iyadoo Masar ay hakisay ka qeybgalka shirka December 2023, waxayna sabab uga dhigtay inaysan Itoobiya diyaar u ahayn tanaasul.

Iyadoo ay jiraan dib u dhacyadaas, Itoobiya waxay sii waday dhismaha biya-xireenka, iyadoo dhameystirtay wejigii shanaad ee buuxinta, taasoo Masar ay ku doodayso inay jabinayso Baaqii 2015 ee Midowga Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dibadbaxyo ka dhan ah ajaanibta oo ka billowday South Africa, kumannaan qofna cabsi u cararay

Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa sheegay in dastuurku dammaanad qaadayo xorriyadda dibadbaxa.

  • Afrika

    30-06-2026

  • 01:37PM

Maxay Burkina Faso xiriirka ugu jartay dalkii hore u gumeysan jiray ee Faransiiska?

Xiriirka u dhexeeyay Burkina Faso iyo Faransiiska ayaa si weyn u xumaaday tan iyo afgambigii militari ee dhacay sanadkii 2022.

  • Afrika

    30-06-2026

  • 06:55AM