Maxaabiis isku dayday in ay baxsato oo la toogtay; qaar kale oo fakaday

Image

ANTANANARIVO, Madagascar – Mas'uuliyiin dhanka ammaanka ah ayaa shaaca ka dhigay in toogasho lagu dilay 20 maxaabiis oo isku dayday in ay ka baxsato jeelka Farafangana ee wadanka Madagascar.

Dhacdadaan lasoo wariyey maalintii Axadii ee todobaadkan waxaa sidoo kale lagu qabtay 37 kale, iyaddoo lagu raad-joogo 31 kale.

Sidda ay warisay saxaafadda maxaliga ah, shaqaaqadan waxaa ku dhaawacmay sideed maxaabiis, kuwaasoo qaar liidato xaalkooda.

Dowladda ayaa sheegtey in ay ku dedaaleyso sidii ay u xaqiijin lahayd bad-qabka maxaabiista iyo in aysan ka fakan jeelasha lagu hayo.

Hay'adda Amnesty International ee u dooda xuquuqda aadanaha ayaa warbixin ay xaalada xabsiyada waddankaas kasoo saartey 2018-kii waxay ku warisay in ay ka buuxaan dad aysan maxkamad xukumin.

"Dadka waxaa dambiyadda loogu soo eedeeyaa si is-daba-joog, waxaana lasoo xiraa iyadoo aysan maxkamad xukumin, xabsiga ayayna ku sugnaa xukunka muddo sanado ah, taasoo keenta in ay jeelasha buux-dhaafiyaan dad aan dambi lagu helin," ayaa lagu yiri warbixintaas.

Jamhuuriyadda Madagascar oo dhacda Badweyne Hindiya; qiimeyn la sameeyay 2018-kii waxay muujineysaa in dadka qarankan ay ka badan yihiin 28 milyan; waana Jaziiradda labaad ee ugu weyn caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Afwerki oo dhaliilay doorka Qaramada Midoobay ee gobolka Geeska Afrika

Wasiirka Warfaafinta Eritrea, Yemane Meskel, ayaa sheegay in kulanka lagu soo qaaday arrimo ku saabsan horumarinta gobolka.

  • Afrika

    14-11-2025

  • 07:54AM

Madaxweynaha Tanzania Samia Suluhu Oo Magacowday Ra’iisul Wasaare Cusub

Miisaaniyadda dowladda ayaa la filayaa inay kororto 12% sanadkan maaliyadeed si loo maalgeliyo mashaariicdaas.

  • Afrika

    13-11-2025

  • 02:05PM