Maxaabiis Soomaali kamid tahay oo sugaya in lagu fuliyo dil dalka Sacuudiga

Image

Riyadh — Tobanaan qof oo ka soo jeeda Geeska Afrika oo lagu xukumay dil dalka Sacuudiga ayaa lagu wargeliyey in fulinta xukunadooda la fulin kara “maalin walba,” sida ay Middle East Eye u sheegeen maxaabiis iyo qaraabadooda.

Raggaasi oo dhammi ka kala yimid Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa lagu helay dambiyo la xiriira tahriibka daroogada, kaasoo dalka Sacuudiga xukun dil ah lagu mutaysto.

Maxaabiista ku xirnaa xabsiga Najiran ee ku dhow xadka Yaman ayaa sheegay in dhowr toddobaad ka hor lagu wargeliyey in xukunadooda, kuwaas oo badankood ah qoorta laga jaro, la fulin doono dhawaan.

“Waxay noo sheegeen in dilalka ay bilaaban doonaan kadib ciidda Carrafo, haddaana waa bilaabeen," ayuu yiri qof kamid ah dadka xukunka in lagu fuliyo sugaya.

Liiska magacyada la helay oo ay ku jiraan 43 Itoobiyaan iyo 13 Soomaali ayaa muujinaya tirada la xukumay. Maxaabiista ayaa sheegay in ugu yaraan lix qof la dilay bilihii u dambeeyey.

Kororka Fulinta Xukunada Dilka

Amnesty International ayaa diiwaangelisay ugu yaraan 52 dil oo la fuliyey tan iyo bishii Janaayo ilaa Abriil ee sanadkan, kuwaas oo la xiriira dambiyada daroogada.

Inkasta oo boqortooyada Sacuudigu ay ku jirto isbeddello ballaaran oo qayb ka ah barnaamijkeeda dib-u-habeynta dhaqaalaha ee “Vision 2030” iyo soo dhaweynta Koobka Adduunka ee FIFA 2034, haddana boqorka Crown Prince Mohammed bin Salman ayaa ballanqaaday in la fududeyn doono nidaamka caddaaladda oo aad u adag.

Si kastaba, hakad aan rasmi ahayn oo lagu soo rogay ciqaabta dhimashada ee dambiyada daroogada sanadkii 2021 ayaa hadda la qaaday, iyadoo fulinta xukunada ay si weyn u kordheen.

Sanadkii hore in ka badan 300 qof ayaa la dilay, taasoo ahayd tirada ugu badan ee taariikhda Sacuudiga. Sanadkan kaliya, ilaa bishii May waxaa la diiwaangeliyey 100 dil.

Khubaradu waxay sheegeen in kordhintaas ay sabab u tahay in daroogooyin dheeraad ah lagu daray liiska dambiyada lagu mutaysto xukun dil.

Duaa Dhainy, cilmi-baare ka tirsan Ururka Xuquuqda Aadanaha ee Yurub-Sacuudiga, ayaa u sheegtay MEE in inta badan kiisaska dadka ajnebiga ah ee la dilay sanadkan ay la xiriireen haynta iyo tahriibka xashiishka, taasoo ay hore u ahayd mid aan ciqaab dil lahayn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Uganda: Museveni oo mar 7aad u tartmayo kursiga, isagoo balan-qaadey inuu la dagaalamayo musuq-maasuqa

Madaxweyne Museveni wuxuu xukunka la wareegay sannadkii 1986 kadib dagaal sokeeye oo shan sano socday.

  • Afrika

    29-06-2025

  • 04:09PM

Burkina Faso oo $18 Bilyan Ka Heshay Macdanta Dahabka Tan iyo Markii Ibrahim Traoré Xilka La Wareegay

Si kastaba ha ahaatee, khubarada qaar ayaa su’aalo ka keenay daahfurnaanta iyo sida dhab ah ee dakhligaas loo maareeyo.

  • Afrika

    28-06-2025

  • 08:08AM