Maxkamad go'aan kasoo saartey in Kenya ay ka baxdo kiiska badda

Image

NAIROBI, Kenya – Maxkamad ku taala Nairobi ayaa u ogolaatay xeer-ilaalinta guud in ay ka qeybgasho dhageysiga dacwada Soomaaliya iyo Kenya ee hortaala Xeer-beegtada Cadaalada Aduunka ee ICJ.

Saddex garsoore ayaa gudbiyey codsi ku saabsan in Kenya ay ka quusato gal-dacwadeedka xuduud badeedka.

Dalabkooda ayay ku sheegeen in hadii Kenya ay ka qeyb-gasho dhageysiga ay ku weyn doonto qeyb kamid ah biyaheeda.

Go'aanka maxkamada ayaa meesha ka saaraya cabsi laga qabay in Kenya ay gabi ahaanba isaga baxdo kiiska xasaanada leh.

Soomaaliya iyo Kenya waxaa tan iyo bishii August 2014 waxaa ka dhaxeysa dacwad ku saabsan goob ku taala xadka badda, halkaasoo hodan ku ah noocyo kamid ah kheyraadka dabiiciga ah.

Bisha June ee sanadkan 2020 ayuu dib u bilaaban doonaa dhageysiga gal-maqalka oo lagu sheegay fadhigii ugu dambeyay.

Hogaamiyeyaasha labada dal ayaa sanadkii hore 2019 waxay ku heshiiyeen in kiiskan uusan saameyn ku yeelan xiriirkooda labada geesoodka ah si lamid ah iskaashiga ganacsiga iyo dhanka ammaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika: Doorashada Itoobiya waxay muujisay rabitaanka dimuqraadiyadeed ee dadka

Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay ururku uga go’an tahay taageeridda dimuqraadiyadda dalalka xubnaha ka ah.

  • Afrika

    23-06-2026

  • 01:00PM

Kenya oo soo Gabagabeysay Tababarka Ciidamo loo Dirayo Howlgalka Cusub ee Soomaaliya

Tababarkan rasmiga ah ee ka hor daadgureynta oo ka dhacay Dugsiga Ciidanka Lugta ee Isiolo, ayaa diiradda lagu saaray u diyaargarowga dagaalka.

  • Afrika

    22-06-2026

  • 08:18PM