Maxkamad go'aan kasoo saartey in Kenya ay ka baxdo kiiska badda

Image

NAIROBI, Kenya – Maxkamad ku taala Nairobi ayaa u ogolaatay xeer-ilaalinta guud in ay ka qeybgasho dhageysiga dacwada Soomaaliya iyo Kenya ee hortaala Xeer-beegtada Cadaalada Aduunka ee ICJ.

Saddex garsoore ayaa gudbiyey codsi ku saabsan in Kenya ay ka quusato gal-dacwadeedka xuduud badeedka.

Dalabkooda ayay ku sheegeen in hadii Kenya ay ka qeyb-gasho dhageysiga ay ku weyn doonto qeyb kamid ah biyaheeda.

Go'aanka maxkamada ayaa meesha ka saaraya cabsi laga qabay in Kenya ay gabi ahaanba isaga baxdo kiiska xasaanada leh.

Soomaaliya iyo Kenya waxaa tan iyo bishii August 2014 waxaa ka dhaxeysa dacwad ku saabsan goob ku taala xadka badda, halkaasoo hodan ku ah noocyo kamid ah kheyraadka dabiiciga ah.

Bisha June ee sanadkan 2020 ayuu dib u bilaaban doonaa dhageysiga gal-maqalka oo lagu sheegay fadhigii ugu dambeyay.

Hogaamiyeyaasha labada dal ayaa sanadkii hore 2019 waxay ku heshiiyeen in kiiskan uusan saameyn ku yeelan xiriirkooda labada geesoodka ah si lamid ah iskaashiga ganacsiga iyo dhanka ammaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya oo Walaac ka Muujisay Shabakadaha Dhalinyarada u Diraya Dagaalka Ukraine

Dowladda Kenya ayaa hadda ballanqaadday in ay adkeyn doonto kormeerka hay’adaha shaqooyinka dibadda u dira dadka.

  • Afrika

    21-12-2025

  • 09:27AM

Hoggaamiyihii  Jabuuti oo geeriyooday, isagoo 91 jir ah

Wuxuu soo noqday guddoomiyaha Golaha Dhulka ee Dhulka Faransiiska ee Cafarta iyo Ciise laga soo bilaabo 1967 illaa 1976.

  • Afrika

    17-12-2025

  • 07:13AM