Maxkamadda ICC oo hogaamiye kooxeed ku heshay dambiyo dagaal

Image

HAGUE, Holland – Hogaamiye kooxeed hore oo u dhashay waddanka Congo ayaa lagu helay dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah bini'aadanimadda.

Dagaalemayaasha daacadda u ah Bosco Ntaganda ayaa dadka ka saari jiray xubnaha jirkooda sida indhaha sidoo kale madaxa ayey dadka ka garaaci jireen.

Garyaqaano ayaa waxay hadalkan maanta oo Sabti ah ka hor-sheegeen Maxkamadda Dambiyadda Caalamiga ah.

Ntaganda oo lagu naaneeso "Burburiye" ayaa lagu helay 18 dambi, oo ay ku jiraan dil, kufsi, tacadiyo galmo oo adoonsi loo maray iyo caruur askareyn.

Waxaa la sheegay in uu dambiyadan ka geystay bariga Kongo intii u dhaxeysay 2002-2003.

Eedeysanaha ayaa wuxuu noqonayaa shaqsigii ugu horeeyay ee loo haysto tacadiyo galmo oo adoonsi loo maray ee ay damb ku heshay ICC.

Qareenadda ayaa ku doodaya in Ntaganda uu ahaa dhibane, isla markaana isagaba qudhiisa loo qortey askari ahaan xili uu yaraa.

Si lamid ah wuxuu noqonayaa ruuxii afaraad ee ay ICC dambi ku hesho tan iyo markii la aas-aasey sanadkii 2002-dii.

Ntaganda oo 2013-kii wuxuu isku dhiibay safaaradda Mareykanka ee Koongada Dimoqraadiga ah ayaa xukunkiisa la filayaa in la muddeeyo goorta la shaacinayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabuuti oo u diyaar garowday doorashada madaxtooyada, Geelle oo la filayo inuu guuleysto

Doorashadii ugu dambeysay ee 2021 ayuu ku guuleystay Geelle qiyaastii 98 boqolkiiba codadkii la dhiibtay.

  • Afrika

    09-04-2026

  • 12:03PM

Ciidanka Kenya oo Islii ku Qabtay Dharka Tuutaha oo loo waday Al-Shabaab

Saraakiisha amniga Kenya ayaa sheegay in hawlgalkan uu dhabar-jab weyn ku yahay saadka iyo qorshayaasha kooxda Al-Shabaab.

  • Afrika

    09-04-2026

  • 06:19AM