Maxkamadda ICC oo hogaamiye kooxeed ku heshay dambiyo dagaal

Image

HAGUE, Holland – Hogaamiye kooxeed hore oo u dhashay waddanka Congo ayaa lagu helay dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah bini'aadanimadda.

Dagaalemayaasha daacadda u ah Bosco Ntaganda ayaa dadka ka saari jiray xubnaha jirkooda sida indhaha sidoo kale madaxa ayey dadka ka garaaci jireen.

Garyaqaano ayaa waxay hadalkan maanta oo Sabti ah ka hor-sheegeen Maxkamadda Dambiyadda Caalamiga ah.

Ntaganda oo lagu naaneeso "Burburiye" ayaa lagu helay 18 dambi, oo ay ku jiraan dil, kufsi, tacadiyo galmo oo adoonsi loo maray iyo caruur askareyn.

Waxaa la sheegay in uu dambiyadan ka geystay bariga Kongo intii u dhaxeysay 2002-2003.

Eedeysanaha ayaa wuxuu noqonayaa shaqsigii ugu horeeyay ee loo haysto tacadiyo galmo oo adoonsi loo maray ee ay damb ku heshay ICC.

Qareenadda ayaa ku doodaya in Ntaganda uu ahaa dhibane, isla markaana isagaba qudhiisa loo qortey askari ahaan xili uu yaraa.

Si lamid ah wuxuu noqonayaa ruuxii afaraad ee ay ICC dambi ku hesho tan iyo markii la aas-aasey sanadkii 2002-dii.

Ntaganda oo 2013-kii wuxuu isku dhiibay safaaradda Mareykanka ee Koongada Dimoqraadiga ah ayaa xukunkiisa la filayaa in la muddeeyo goorta la shaacinayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Afwerki oo dhaliilay doorka Qaramada Midoobay ee gobolka Geeska Afrika

Wasiirka Warfaafinta Eritrea, Yemane Meskel, ayaa sheegay in kulanka lagu soo qaaday arrimo ku saabsan horumarinta gobolka.

  • Afrika

    14-11-2025

  • 07:54AM

Madaxweynaha Tanzania Samia Suluhu Oo Magacowday Ra’iisul Wasaare Cusub

Miisaaniyadda dowladda ayaa la filayaa inay kororto 12% sanadkan maaliyadeed si loo maalgeliyo mashaariicdaas.

  • Afrika

    13-11-2025

  • 02:05PM