Maxkamadeynta Soomaali u xiran burcad-badeednimo oo la muddeeyay

Image

VICTORIA, Seychelles – Maxkamadda Sare ee Seychelles ayaa muddeysay in 30-ka bisha soo aadan ee Agoosto ay bilaabi doonto dhageysiga dacwad ka dhan ah Soomaali dalkaas ugu xiran burcad-babaanimo.

Shantaan muwaadin ayaa bishii April ee sanadkii lasoo dhaafay waxaa xukuumadda Victoria ku wareejiyay howlgalka la dagaalanka shufta-badeeda Soomaaliya ee Midowga Yurub – EU NAVFOR.

La tuhunsaneyaasha oo loo haysto weerar dhacay April 21-keeda sanadkii hore ayaa maxkamadeyntoodu noqon doontaa qaab maqal iyo muuqaal fagaan arag ah, sidda ay warisay warbaahinta maxaliga ah.

Sidda ay tabisay Wakaaladda Wararka Seychelles, dhageysiga gal-dacwadeedkan ayaa socon doona muddo afar todobaad ah.

Xafiiska arrimaha dibada EU NAVFOR oo dhiibitaanka eedeysaneyaasha u cuskaday heshiis laba geesoodka ah ayaa markabka ay weerareen shantooda ku sheegay ESPS Navarra oo calanka Spain watay.

Howlgalka ayaa tibaaxay in eedeysaneyaasha ay maalmo kahor weerarka markabka qabsadeen doonyo laga leeyaha Yemen. Sidoo kale, wuxuu xusay in ay beegsadeen markab kaluun oo Kuuriyaan ah.

"Dhacdadaas waxay ahayd tii ugu horeysay oo fal burcad-badeednimo ah tan iyo October sanadkii 2018," ayuu raaciyey taliska.

Xeebaha Soomaaliya waxay kamid yihiin kuwa ugu badan oo ay ka dhacaan xadgudubyadda ugu daran gaar ahaan kalluumeysiga sharciyadda oo ay ku lug-yeeshaan maraakiibta sheegta in ay ilaalinayaan.

Seychelles ayaa kamid ah wadamadda lagu maxkamadeeyo Soomaalida loo haysto burcad-badeednimadda, wallow qaarkood loosoo dhoofiyo waddanka si ay ugu dhameystaan muddo xukunada ee lagu riddo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo ku biiraya dacwad ciqaabeed ka dhan ah Yahuuda

Koonfur Afrika ayaa kiiskan horey uga furtey Maxkamadda ugu sareysa Qaramada Midoobay.

  • Afrika

    02-05-2024

  • 05:39AM

Kenya: In ka badan 40 qof oo ku naf-waayay daad ka dhashay roob xooggan

Laanqeyrta cas ee Kenya ayaa sheegtay in 109 qof la jiifiyay isbitaalka halka 49 kalena la la’yahay.

  • Afrika

    30-04-2024

  • 04:45AM