Muxuu gobolka Amxaaradda muhiim u yahay?

Image

ADDIS ABABA - Dadka ku nool magaaladda Bahir Dar, ee xarunka gobolka Amxaaradda ayaa soo sheegay inay maqlayaan rasaas goos-goos ah, islamarkaana la xiray wadooyinka qaar kadib markii shalay ciidamada dowladda fashiliyeen afgembi lagu sameyn lahaa hogaanka maamulka.

Brigadier General Tefera Mamo, oo ah madaxa ciidamada gaarka dalka Itoobiya ee gobolka Amxaaradda ayaa sheegay in la xiray inta badan raggii soo abaabulay afgembiga, balse ay jiraan kuwa kale oo baxsad ah oo lagu raad-jooggo.

Isku-dayga afgembi waxaa ku dhintay madax sare oo ay kamid yihiin madaxweynihii maamulka gobolka, Ambachew Mekonnen iyo taliyihii ciidanka Itoobiya, Seare Mekonnen oo lagu toogtay Addis Ababa [Halkan ka akhri warka].

Madaxweyne Ambachew Mekonnen iyo la-taliyihiisa, Ezez Wasie ayaa lagu weeraray xafiiskooda, halkaasi oo lagu gaarsiiyay dhaawac culus, oo markii dambe u geeriyoodeen.

Muxuu gobolka Amxaaradda muhiim u yahay?

Waa gobolka istaraatiiji ah, oo ku yaalla waqooyiga Itoobiya, waxaana degan dadka labaad ee ugu tirada badan Itoobiya, iyadoo luuqadda rasmiga ah ee dalka looga hadlo ay tahay Amxaari (Amharic).

Dagaal u dhaxeeya qowmiyadaha, Gumuz iyo Amxaaradda oo bishii lasoo dhaafay ka dhacay gobolka ayaa waxaa lagu dilay tobaneeyo qof oo labada qabiil kasoo kala jeeday.

Loolanka hogaanka siyaasadeed iyo muran dhinaca dhulka ayaa ka taagan gobolka, waxaana rabshadaha labada qowmiyadooda ku barakacay ku dhawaad saddex milyan oo qof.

Arintan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo Ra'iisul wasaare Abiy Axmed uu ku howlan yahay sidii uu usoo afjari lahaa dhibaatooyin ka jira gudaha ciidamada Militeriga dalkiisa, oo kala qeybsanaan hareysay.

Bishii October ee 2018, Abiy Axmed ayaa sheegay inuu ka badbaaday isku-day dil, kadib markii ciidamo militeri ah ay xoog ku galeen xafiiskiisa, iyagoo dalbanayay mushaar kordhin.

Tan iyo markii uu xafiiska yimid horaantii 2018, Abiy Axmed ayaa isku dayayay inuu isbedel ku sameeyay hanaanka siyaasadeed iyo hogaanka dalkiisa, oo horey ugu jireen dowlado kaligii-talisnimo ku dhisan, oo gacan-bir ah shacabka ku maamulayay.

Abiy ayaa xabsiyada kasii daayay kumanaan maxaabiis siyaasadeed, oo hogaamiyeyaal ay ku jireen, si uu u dhiira-geliyo nabada dalka isagoo heshiisyo taariikhi ah la saxiixday jabhaddo dhowr ah, oo ONLF kamid tahay.

Dalka Itoobiya oo ay ku nool yihiin 100 milyan oo qof ayaa isbedellada ka socda laga dareemay gobolka Geeska Africa, taasoo lagu amaaney Abiy Axmed oo gacan saaxiibtinimo iyo wax wada-qabsi u fidiyay dalalka deriska.

Xasaradaha taagan waxaa laga cabsi qabaa inay khatar geliyaan doorashadda baarlamaaniga dalka Itoobiya, oo la filayo inay dhacdo sanadka soo socda ee 2020-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo soo farageliyay colaadda ka taagan gudaha Itoobiya

Isku-dhacan ayaa u dhaxeeya dowladda Itoobiya iyo falaagada fano ee gobolka Amxaarada.

  • Afrika

    16-05-2024

  • 03:34AM

Maxkamadda ICC oo shacabka Uganda u balanqaadey lacag magdhow ah

Lacagtan ayaa waxa ay qeyb ka tahay kiis dambi dagaal oo ay maxkamadda xukun ka soo saartey.

  • Afrika

    15-05-2024

  • 01:29AM