Meydka wariye si arxan daran loogu dilay seef oo la helay

Image

ABUJA, Nigeria – Booliska dalka Nigeria ayaa wada baaritaan culus markii ay heleen meydka wariye si fool xun loogu dilay ismaamulka Adamawa.

Maxwell Nashan, war-akhriye ka tirsanaa idaacad ay leedahay dowladda, ayaa meydkiisa laga helay beer, 15-kii Janaayo, 2020.

Haweenay kamid ah dadka degaanka oo aragtay ayaa wargelisay booliska, hase ahaatee, nasiib daro wuu geeriyooday markii Isbitaalka la geeyay.

Saraakiisha ayaa sheegay in dilka Nashan loo adeegsadey faas [seef], wallow aysan tafaasiil dheeri ah ka bixin cidda ka dambeysay dilkiisa.

Saxaafada maxaliga ah ayaa baahisay in kiiskaan uu u muuqdo mid wariyaha laga soo afduubtay hoygiisa kadibna la khaarijiyey.

Ururo u dooda xuquuqda saxaafada oo isugu jira maxali iyo caalami ayaa laamaha ammaanka ku booriyey in ay soo bandhigaan natiijada baarista.

Warar ayaa sheegaya in xabsi loo taxaabay sideed ruux oo looga shakisan yahay in ay ku lug lahaayeen fal-dambiyeedkaan.

Nigeria oo kamid ah wadamada caalamka ee ay adag tahay in uu saxafi ka shaqeeyo, ayaa la sheegay in tan iyo 2010-kii lagu dilay shan wariye.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Burkina Faso xiriirka ugu jartay dalkii hore u gumeysan jiray ee Faransiiska?

Xiriirka u dhexeeyay Burkina Faso iyo Faransiiska ayaa si weyn u xumaaday tan iyo afgambigii militari ee dhacay sanadkii 2022.

  • Afrika

    30-06-2026

  • 06:55AM

Midowga Afrika: Doorashada Itoobiya waxay muujisay rabitaanka dimuqraadiyadeed ee dadka

Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay ururku uga go’an tahay taageeridda dimuqraadiyadda dalalka xubnaha ka ah.

  • Afrika

    23-06-2026

  • 01:00PM