Midowga Afrika oo baaq u diray dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya

Image
Golaha Amniga ururkan ayaa sidoo kale soo dhaweeyay Shirka Madaxda IGAD kaas oo isla arinka xadgudubka Ethiopia.

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Amniga iyo Nabadgalyada ee Midowga Afrika ayaa muujiyay sida ay lama taabtaan u tahay ilaalinta Madaxbanaanida dhuleed iyo Bulsho ee Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya.

Go'aankan ayaa waxa uu kusoo hagaagayaa xilli ay dowladda federaalka Ethiopia wali isku dayayso damaceeda waalida ah ee ku xadgudubka Soomaaliya.

Golaha ayaa hoosta ka xariiqay waajibnimada ilaalinta Xeerka Midowga Afrika oo meesha ka saaraya in aan lagu xadgudbi karin Madaxbanaanida iyo midnimada Dalalka.

Golaha oo labada dal ugu baaqay wadahadal ayaa sidoo kale soo dhaweeyay Shirka Madaxda IGAD kaas oo isla arinka xadgudubka Ethiopia looga hadlayo isla markaana Khamiista maanta ah ka qabsoomaya dalka Uganda.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

May be an image of text

GAROWE ONLINE

Related Articles

Warshadda Dangote ee Lamu: waxay rabtaa suuqgeyn ka ballaaran Bariga Afrika

Baaxadda warshadda ayaa su’aal gelinaysa inta uu le’eg yahay suuqa…

  • Afrika

    02-10-2026

  • 02:42PM

Masar oo diblomaasi Itoobiyaan ah ka saartay dalka, 48 saacadoodna u qabatay

Tallaabooyinka is-daba jooga ah ayaa sii xumeynaya xiriirrada diblomaasiyadeed ee u dhexeeya dalalka gobolka.

  • Afrika

    02-10-2026

  • 07:52AM