Midowga Afrika oo baaq u diray dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya

Image
Golaha Amniga ururkan ayaa sidoo kale soo dhaweeyay Shirka Madaxda IGAD kaas oo isla arinka xadgudubka Ethiopia.

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Amniga iyo Nabadgalyada ee Midowga Afrika ayaa muujiyay sida ay lama taabtaan u tahay ilaalinta Madaxbanaanida dhuleed iyo Bulsho ee Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya.

Go'aankan ayaa waxa uu kusoo hagaagayaa xilli ay dowladda federaalka Ethiopia wali isku dayayso damaceeda waalida ah ee ku xadgudubka Soomaaliya.

Golaha ayaa hoosta ka xariiqay waajibnimada ilaalinta Xeerka Midowga Afrika oo meesha ka saaraya in aan lagu xadgudbi karin Madaxbanaanida iyo midnimada Dalalka.

Golaha oo labada dal ugu baaqay wadahadal ayaa sidoo kale soo dhaweeyay Shirka Madaxda IGAD kaas oo isla arinka xadgudubka Ethiopia looga hadlayo isla markaana Khamiista maanta ah ka qabsoomaya dalka Uganda.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

May be an image of text

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Tanzania oo Gabadheeda iyo Ninkeeda kusoo dartay Gollaha Wasiiradda

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa magacaawday ninka Wanu Hafidh Ameir, Mohamed Mchengerwa, inuu noqdo Wasiirka Caafimaadka.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 05:13PM

Gabdho laga afduubey Iskuul ku yaalla dalka Nigeria 

Dadka deegaanka ayaa aad uga walaacsan amniga carruurta waxbarata iyo in weerarradan oo kale ay sii badanayaan.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 08:16AM