Midowga Afrika oo eryay mas'uul Tigray ah kadib cabasho ka timid Abiy

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Midowga Afrika ayaa Jimcada maanta ah wuxuu xilkii ka qaadey Gebreegziabher Mebratu Melese, oo ahaa madaxii ammaanka xarunta ururka AU-da ee magaala madaxda waddanka Itoobiya ee Addis Ababa.

Sidda ay ku warantay wakaaladda wararka Reuters, eryida Melese oo ah muwaadin Itoobiyaan ah ayaa ka dambeysay markii maamulka Abiy Axmed uu ka gudbiyey warqad cabasho kuna eedeeyay "in uusa daacad ahayn".

Warqadaas oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ay qortey 11-kii November ayaa sidoo kale waxaa su'aal lagu geliyey shaqada uu hayo Melese.

Moussa Faki Mahamat, madaxa guddiga ururka Midowga Afrika oo aqbalay tabashada maamulka Abiy, ayaa ugu dambeyntii amray in la eryo Melese.

Rashiid Cabdi oo ku xeeldheer Geeska Afrika ayaa sheegay in Gebreegziabher uu kasoo jeedo qowmiyadda Tigray isla markaana eryidiisa ay qayb ka tahay dedaalada Abiy "ku qiimo dilayo dadka caanka ah ee gobolka Tigray".

"Asal ahaan tani waa dagaal qowmiadeed oo xuduntiisu tahay loolan dhanka awood ah," ayuu ku daray Rashiid, sidda ay kasoo xigatay Reuters.

Gebreegziabher Mebratu Melese ayaa sidoo kale wuxuu kamid yahay 38 shaqsi oo baarlamaanka Itoobiya uu xasaanadda ka qaadey todobaadkan.

Talaabada lagu ceyriyay Gebreegziabher Mebratu Melese ayaa kusoo hagaageysa xilli Abiy uu todobaadkan u damaanad-qaaday Itoobiyaanka in Tigrayga aysan noqon doonin kuwa bartilmaameed u ah xukuumadda uu hogaamiyo.

"Waxaa nagu waajib ah in aan badbaadino walaalaheen [qowmiyadda] Tigrayga," ayuu ku yiri fariin muuqaal uu kasoo dhex-duubay xafiiskiisa.

Tigrayga oo dadweynaha Itoobiya ka ah 5% ayaa siyaasada Itoobiya ku gacan-sareysay kahor inta uusan xukunka qabsan Abiy Axmed sanadkii 2018-kii, waxaana wixii ka dambeeyay ay mucaarad ku noqdeen Ra'iisul Wasaaraha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Zimbabwe ee qorsheynaya inuu xukunka hayo inta ka dhiman cimrigiisa

Hopewell Chin’ono oo ah weriye baaritaanada sameeya isla markaana u ololeeya la dagaallanka musuqmaasuqa.

  • Afrika

    05-04-2026

  • 12:29PM

Midowga Afrika oo Taageeray Hindisaha Shiinaha iyo Pakistan ee lagu joojinayo dagaalka Iran

Wuxuu hoosta ka xariiqay in qaaradda Afrika ay si gaar ah u dareemayso saameynta dhaqaale ee ka dhalatay iska horimaadkan.

  • Afrika

    04-04-2026

  • 11:52AM