Mike Pence: Suleymaani wuxuu maleegay weeraro ka dhacay Kenya

Image

NAIROBI, Kenya – Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka, Mike Pence, ayaa sheegay in Qaasim Suleyaani uu maleegay "weeraro argagixiso" oo ka dhacay Kenya.

Fariin uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka ayuu sheegay in weeraradan ay dhaceen sanadka markii uu ahaa 2011-kii.

Hadalka Pence ayaa kusoo aaday xili Al-Shabaab ay weerartay saldhig Mareykanka ku leeyahay gobolka Lamu, Axadii, 5-ta December, 2020.

Gulufka lagu beegsaday xerada Manda Bay ayaa galaaftay dad ay ku jiraan saddex Ameerikaan ah – Hal askari iyo laba qandaraasleyaal.

Iyaddoo uu jiro hadalka Pence, milatariga Kenya ayaa meesha ka saarey in Tehran ay door ku lahayd duulaankii u dambeeyay.

Suleymaani ayaa habeenimadii Jimcadda lagu dilay duqeyn uu Mareykanka geystay agagaarka garoonka diyaaradaha Baqdaad, caasimada Ciraaq.

Madaxweyne Donlad Trump ayaa sheegay in Suleymaani ay u dileen "si looga hortago dagaal, balse ma ahan in la bilaabo dagaal".

Qaasim Suleymaani, oo ahaa Jeneraal, ayaa ahaa taliyaha waaxda sirdoonka badda u qaabilsan Iiraan, oo ku goodisay in ay aargudan doonto.

Sikastaba, Kenya ayaa la daalaadhaceysay weeraro kaga yimaada Al-Shabaab tan iyo markii ciidankeeda ku biireen howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM