Milatariga afgembiga ku qabsaday Mali oo balanqaad sameeyay

Image

BOMAKO, Mali - Milatariga afgembiyey dowladda Mali kuna cadaadiyey in uu xafiiska faarujiyo madaxweyne Ibraahim Boubacar Keita kalana diray baarlamaanka ayaa wuxuu balanqaadey in ay dhaceyso doorasho.

Wallow talaabada ay qaadeen ay kala kulmeen cambaareyn caalami ah, afhayeen u hadlay ciidamada wuxuu sheegay in ay ficilkaan u sameeyeen si ay Mali uga badbaadiyaan qalalaase.

Gaashaanle Dhexe Ismael Wague oo afhayeen u ah cutubyo ciidamo ah oo la baxay Guddiga Qaran ee Badbaadinta Dadka ayaa xusay in doorashadda ku dhaceyso "waqtiga ku haboon".

"Xiisadaha bulshada iyo siyaasadda ayaa wiiqay howlihii saxda ahaa ee dalka in muddo ah," ayuu yiri Wague isagoo ay wehliyaan askar. "Dalka wuxuu muddo la ildarnaa amni daro iyo fowdo".

Ma uusan ka hadlin mustaqbalka siyaasadeed ee madaxweyne Ibraahim oo 75-sano jir ah, kaasoo shaqo ka tagidiisa u cuskaday "si uu uga hortago in uu dhiig u daato sidii xukunka usii joogi lahaa".

Inqilaabkan ayaanan ka dhashan khasaaro nafeed, marka laga reebo koox dhalinyaro ah uu boob u geysatay xarumo dowladeed, kuwaasoo u muuqdey in ay dhanka ciidamadda ka socdeen.

Wague ayaa caddeeyay in ay qadarin u hayaan Beesha Caalamka iyo Howlgalka Mali ee Qaramada Midoobay, isagoo hoosta ka xariiqay in ay sii wadayaan fulinta heshiiska nabadeed ee kooxaha hubeysan.

Qabashada doorashooyinka ayaa xudun u ahaa qalalaasaha afgembiga sababay ee Mali, iyaddoo mucaaradka ay ka biyo diidanaayeen in uu markii saddexaad isa soo taago hogaamiyihii hore Ibrahim Boubacar Keita.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Afwerki oo dhaliilay doorka Qaramada Midoobay ee gobolka Geeska Afrika

Wasiirka Warfaafinta Eritrea, Yemane Meskel, ayaa sheegay in kulanka lagu soo qaaday arrimo ku saabsan horumarinta gobolka.

  • Afrika

    14-11-2025

  • 07:54AM

Madaxweynaha Tanzania Samia Suluhu Oo Magacowday Ra’iisul Wasaare Cusub

Miisaaniyadda dowladda ayaa la filayaa inay kororto 12% sanadkan maaliyadeed si loo maalgeliyo mashaariicdaas.

  • Afrika

    13-11-2025

  • 02:05PM