Mowqifka ay DF ka qaadatey xiisadda Itoobiya iyo Masar oo la shaaciyey

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa todobaadkii hore u dhoofay caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa. Socdaalkaas wuxuu ahaa mid aan horey loosii shaacin.

Wallow xafiiska Khayre uusan qeexin ujeedka, illo diblumaasiyadeed ayaa xaqiijiyey in uu darnaa "carro ay Itoobiya ka qaadey taageero ay Muqdisho u muujisay qaraar kasoo baxay Jaamacada Carabta".

Qaraarkaas ayaa lagu taageeray diidmada Masar ee dhismaha ay malaayiinka Doolar ku baxeyso ee biyo-xireenka Nile. Xukuumadda Khaahira waxay u aqoonsatay mashruucaas "khatar heer qaran ah".

Markii uu tegay Addis Ababa, ra'iisul wasaare Khayre ayaa kulan "saacado kooban" qaatay wuxuu la yeeshay dhigiisa Itoobiya ee Abiy Axmed Cali.

Wargeyska Daily Nation ayaa ku waramay in Khayre uu ugu safray Addis Ababa si uu u caddeeyo in uu is-bedelay mowqifka coddeynta ee Muqdisho, isla markaana uu xoojiyo aragtida "is-dhexgalka Geeska Afrika".

Sidda ku xusan warbixinta jaraa'idka, kadib kulankaas qoraal kasoo baxay xukuumadda Addis Ababa ayaa lagu sheegay in Soomaaliya iyo Jabuuti ay ku baaqeen xal wada guuleysasho oo laba geesood ah.

Muranka ka taagan dhismaha biyo-xireenka Nile oo u dhaxeeya Suudaan, Masar iyo Itoobiya waxaa ku kala qeybsamay wadamada gobolka.

Kenya ayaa la xaqiijiyey in ay garab-istaag u muujisay Masar, wallow ay soo jeedisay in dhinacyadda ay wadahadlaan.

Mareykanka ayaa ku guuldareystay in uu dhameeyo khilaafka markii Itoobiya ay ganafka ku dhufatay soo jeedin uu Donald Trump sameeyay.

Hay'adda International Crisis Group ayaa ku boorisay wadamada isku haya biyo-xireenka in ay miiska isugu yimaadaan kana fogaan colaad.

Dowladda madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xiriir dhow la leh maamulka Abiy Axmed ee ka armiya Itoobiya, kaasoo qeyb ka ah faragelinta ay Villa Soomaaliya ku hayso dowlad goboleedyada wadanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM