Mozambique: In ka badan 6,000 maxbuus oo xabsi ka baxsatay

Image
Dalkan ku yaalla Koonfurta Afrika waxaa gilgilay rabshado ka dhashay doorasho lagu murmay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ilaa 6,000 oo maxbuus ayaa Arbacadii ka soo furtay xabsi si weyn loo ilaaliyo oo ku yaalla caasimadda Mozambique ee Maputo, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta booliiska.

Qulqulatooyinkan ayaa waxay ka dhasheen rabshado muddo toddobaadyo ah socday oo yimid doorashada kaddib ay weli gilgileen dalkan ku yaalla Koonfur Afrika.

Taliyaha booliiska dalka, Bernadino Rafael, ayaa sheegay in maxaabiistu ay ka baxsadeen xabsiga dhexe ee Maputo maalintii Christmas-ka, ka dib waxa uu ugu yeeray "kacdoon".

"Ugu yaraan 33 maxbuus ayaa dhintay 15 kalena waa ay dhaawacmeen ka dib markii maxaabiistu ay iska horyimaadeen ciidamada ammaanka intii ay baxsanayeen," ayuu raaciyay.

Saraakiisha ayaa markii hore sheegay in 1,500 oo maxbuus ay baxsadeen, balse ay dib u habeyn ku sameeyeen tiradaas Jimcihii, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Associated Press.

Ugu yaraan 151 qof ayaa ku dhintay isku dhacyada dibad baxayaasha iyo ciidamada ammaanka tan iyo doorashadii muranka dhalisay ee 9-kii Oktoobar, sida ay sheegtay Plataforma Eleitoral Decide.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Imaaraadka Carabta oo ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah oo laga sameeyo Itoobiya

Imaaraadka ayaa sheegay in xaaladda cusub ay khatar ku tahay midnimada, madaxbannaanida iyo xasilloonida Itoobiya.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 12:34PM

Aliko Dangote oo dhisaya dhuun shidaal oo Itoobiya iyo Jabuuti isku xiri doonta

Jabuuti ayaa iyaduna ka faa’iidi doonta mashruuca, iyadoo la filayo inay kordhaan shaqooyinka, dhaqdhaqaaqa dekedda iyo dakhliga dowladda.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 05:29AM