Mozambique: Qareenka siyaasi mucaarad ah oo la khaarijiyay

Image
Elvino Dias ayaa waxa uu qareen u ahaa murashax madaxwayne doorasho qabsoomeysa 10 casho kadib.

NAIROBI, Kenya - Qareenkii u doodayay nin mucaarad ah oo caan ka ah dalka Mozambique ayaa lagu toogtay magaalada caasimadda ah ee Maputo, isaga iyo sarkaal ay isku xisbi ka tirsan yihiin.

Elvino Dias wuxuu ahaa qareenka Venâncio Mondlane, kaasoo u tartamay madaxweynaha Mozambique isagoo matalaya xisbi siyaasadeed Podemos doorasho 10 maalmood kadib dhaceysa.

Dias ayaa la dhintay sarkaalka Podemos Paulo Guambe markii dabley ay weerartay gaarigooda.

"Waxaa si arxan darro ah loo fuliyay [dilkaas] dhiig qabow," ayay tiri kooxda xuquuqda maxalliga ah ee Xarunta Dimuqraadiyadda iyo Xuquuqda Aadanaha (CDD).

Mozambique waligeed waxaa maamula hal xisbi – Frelimo – kaas oo xukumayay dalka ku yaalla koonfurta Afrika nus qarni tan iyo markii uu xornimada ka qaatay Portugal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Imaaraadka Carabta oo ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah oo laga sameeyo Itoobiya

Imaaraadka ayaa sheegay in xaaladda cusub ay khatar ku tahay midnimada, madaxbannaanida iyo xasilloonida Itoobiya.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 12:34PM

Aliko Dangote oo dhisaya dhuun shidaal oo Itoobiya iyo Jabuuti isku xiri doonta

Jabuuti ayaa iyaduna ka faa’iidi doonta mashruuca, iyadoo la filayo inay kordhaan shaqooyinka, dhaqdhaqaaqa dekedda iyo dakhliga dowladda.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 05:29AM