Muhaajiriin laga masaafuriyay Mareykanka una socday South Sudan oo lagu xannibay Jabuuti
JABUUTI– Koox muhaajiriin ah oo laga masaafuriyay Mareykanka kuna wajahnaa dalka colaadaha ragaadiyeen ee South Sudan ayaa si ku-meelgaar ah loogu xannibay dalka Jabuuti, kadib go’aan maxkamadeed, sida uu sheegay maamulka Trump Khamiistii.
Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in sideedda muhaajiriin ah, oo kasoo kala jeeda dalal kala duwan, laga masaafuriyay sababo la xiriira dambiyo rabshado wata oo ay horay ugu xukumaayeen maxkamado Mareykan ah.
Muhaajiriintan ayaa Talaadadii ka duulay Mareykanka, waxaana lagu waday inay tagaan South Sudan halkii loo celin lahaa dalalkoodii hooyo. Tallaabadan ayaa timid kadib markii Mareykanku ku guuldarreystay inuu helo oggolaansho rasmi ah oo ay dowladahooda asal ahaan u oggolaadaan inay dib ugu soo celiyaan.
Hadda, muhaajiriintan waxaa lagu hayaa xarun ay maamusho Waaxda Amniga Gudaha Mareykanka (DHS) oo ku taalla Jabuuti, halkaas oo sidoo kale uu ku yaallo saldhig weyn oo milatari oo Mareykanku leeyahay.
Garsoore Brian Murphy oo ka tirsan maxkamadda federaalka ee magaalada Boston ayaa Arbacadii go’aamiyay in maamulka Trump uu jebiyay amar maxkamadeed hore. Wuxuu tilmaamay in waqtiga la siiyay muhaajiriinta si ay uga difaacdaan masaafurinta South Sudan uu ahaa “mid si cad u yaraaday oo aan waafaqsanayn sharciga.”
South Sudan oo ah dal sabool ah oo muddo dheer la daalaa dhacayay colaado iyo xasillooni darro siyaasadeed, waxaa laga digay safar loo aado, sida lagu sheegay digniin kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka.
Garsooraha ayaa xusay in, sida ku cad Heshiiska Qaramada Midoobay ee Ka Hortagga Jirdilka, muhaajiriinta ay xaq u leeyihiin ogeysiis rasmi ah iyo ugu yaraan 10 maalmood oo ay ku gudbin karaan racfaan ka dhan ah masaafurintooda.
Sidoo kale, wuxuu go’aamiyay in lix ka mid ah muhaajiriinta ay xaq u leeyihiin inay muujistaan cabsi jirdil ama dhibaatooyin kale oo ay ka filayaan dalka saddexaad — arrintaas oo ay si sharci ah uga difaacan karaan iyagoo qareen wakiil ah ka haysta.
Xitaa haddii Waaxda Amniga Gudaha ay u aragto in cabashadooda aysan sal lahayn, waa inay wali siisaa ugu yaraan 15 maalmood oo racfaan looga gudbin karo go’aanka masaafurinta.
Donald Trump ayaa Khamiistii bartiisa Truth Social ku weeraray go’aanka Garsooraha, isagoo sheegay: “Wuxuu amray in SIDEED ka mid ah dambiyadii ugu halista badnaa caalamka aysan u safrin Koonfurta Suudaan, balse ay sii joogaan Jabuuti.”
GAROWE ONLINE