Muhiimad noocee ah ayuu leeyahay saldhigga Mareykanka ee la weeraray?

Image

LAMU, Kenya - Ciidamada Mareykanka ayaa howlgalada ka bilaabay saldhiga sanadkii 2017, iyagoo fuliyay howlgalo ka dhan ah argagixisada iyo howl galada amniga xuduudaha si loo caawiyo Kenya, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka Ciidamada Cirka Mareykanka.

Wuxuu saldhig rasmi ah noqday August 26, 2019, markii calanka Mareykanka laga taagay xarunta, iyadoo wixii markaas ka dambeeyay ciidamada Cirka  bedeleen howlgalkooda markii hore ahaa "taatiko" lagana dhigay howlgal joogtada ah.

Taliyaha ciidamada guutada 475aad ee Cirka Lt. Col. Cody Smith ayaa sheegay August 2019 in calanka lag taagay Camp Simba uu muujinayo in Mareykanka uu saldhigga ka dhigtay mid howlgallo joogto ah laga fuliyo.

Saldhigga Manda ayaa ku yaalla meel go'an xeebta gobolka Lamu, waxaana amaankiisa ahaa mid aad loo ilaaliyo, iyadoo ay kuwada sugan yihiin ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kenya.

Qoraal kooban oo kasoo baxay milatariga Kenya ayaa lagu sheegay in ay iska caabiyeen weerarkaas ayna ku dileen afar kamid ahaa Al-Shabaab.

Lama oga sidda dagaalameyaasha gacansaarka la leh shabakadda argagixisadda ah ee Al-Qaacida ay ugu suurta-gashay inay weerar ku qaado saldhig noocan ah.

Al-Shabaab ayaa weerarkan fulisay xilli Mareykanka heegan ku jiro, kadib markii uu dilay taliye sare oo militeriga Iran katirsanaa Jimcihii, iyadoo ciidanka Mareykanka meel kasta oo ay ku sugan yihiin la geliyay feejignaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga oo gaaray Addis Ababa, Itoobiya

Booqashadan ayaa ku xigtay booqasho uu Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, Gedion Timothewos.

  • Afrika

    11-02-2026

  • 01:53PM

Masar oo Digniin Ka Soo Saartay Gelitaanka Israa’iil ee Badda Cas iyo Aqoonsiga Somaliland

Ilaa hadda, Israa’iil iyo Maamulka Somaliland midna si rasmi ah ugama hadlin digniinta ay Masar soo saartay.

  • Afrika

    09-02-2026

  • 09:12PM