Museveni oo xil u dhiibay taliye ka howlgalay Soomaaliya

Image

KAMPALA, Uganda – Madaxweyne Yoweri Museveni wuxuu u magacaabay Kayanja Muhanga inuu noqdo isku-duwaha howlaha wadajirka ee amniga ee Kampala oo si toos ah u hoos tagaya Taliyaha Guud.

Ku xigeenka afhayeenka ciidamada difaaca Uganda, Deo Akiiki, ayaa u sheegay Daily Monitor in Gaashaanle Sarre Muhanga uu noqon doono isku duwaha guud ee howlaha dhamaan hay'adaha amniga.

"Tani waxay ka dhigan tahay inuu noqon doono isku xiraha howlgalada wadajirka ah ee booliska, militariga iyo hay'adaha sirdoonka," ayuu yiri Akiiki Jimcihii.

Muhanga wuxuu dhowaan ka soo laabtay koorso hal sano ah oo uu ka qaatay Kulliyadda Difaaca Qaranka Koonfur Afrika.

Wuxuu horay u soo noqday taliyaha qaybta 2aad ee ciidamada difaaca shacabka Uganda (UPDF) ee fadhigeedu ahaa degaanka Makenke, ee degmada Mbarara.

In ka badan laba sano, Muhanga wuxuu ahaa taliyaha ciidamada UPDF ee Soomaaliya. Intii uu xilka hayey, wuxuu la dagaallamayey maleeshiyada Al-Shabaab oo hawlgallada AMISOM ka dhigey mid xaalada ku adkaato iyada oo loo adeegsadey aalado qarxa oo inta badan loo yaqaan IEDs.

Uganda ayaa kamid ah dalalka askarta ugu badan ku leh howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, waxaana ay ka kala howlgalaan magaalooyin ay caasimada Muqdisho kamid tahay iyo qaar gobolada dalka ku yaala.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Itoobiya oo ku eedaysay Eritrea, Suudaan iyo Masar inay taageeraan kooxaha hubaysan

Taliyaha guud ee ciidanka Itoobiya, Birhanu Jula, ayaa dhammaadkii toddobaadkii sheegay….

  • Afrika

    29-09-2026

  • 07:50PM

Imaaraadka Carabta oo ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah oo laga sameeyo Itoobiya

Imaaraadka ayaa sheegay in xaaladda cusub ay khatar ku tahay midnimada, madaxbannaanida iyo xasilloonida Itoobiya.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 12:34PM