Muwaadin Kenyan ah oo sharaxay abaal ay u galeen ciidanka Soomaaliya

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Muwaadin Kenyan ah, Martin Mwaghazi, ayaa sheegay in uu wali u careysan yahay ciidamada dalkiisa kadib markii ay caawin waayeen xilli ay duruuf adag ku haysatay qaybo kamid ah Soomaaliya.

Taas bedelkeeda, wuxuu abaal weyn u hayaa ciidanka xoogga dalka madaama ay gargaar ka heleen mudadaas ay tabaaleysnaayeen.

Mwaghazi oo kamid ahaa todoba Kenyan ah ayaa ku go'doomay degaano ka tirsan Jubbaland sabab la xiriirta xayiraadaha loosoo rogay Coronavirus xilli ay doonayeen in ay ku laabtaan guriyahooda.

Shaqsiyaadkan ayaa muddo todoba 72 casho ah ku xayirmay degaanka xuduudka dhaca Raas Kambooni, kaasoo 170 KM u jira Kismaayo, caasimada ku meelgaarka ah ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Maadaama aysan jirin cid ay ka garanayeen goobtaas, mudadaas waxay adeegsadeen lacagtii ay shaqeysteen. Sidda uu wariyey wargeyska Daily Star, qofkii wuxuu maalin walba isticmaali jiray shan Doolar.

Mwaghazi iyo saaxiibadii waxaa ka dhamaatay lacagta. Waxaa soo wajahdey caqabad la xiriirta hoy iyo cunto la'aan. Xusuusooyinka cajiibka ah ee soo maray waxaa kamida in ay jiifan jireen dhisme aan safaq lahayn.

Gurigaas oo uu ku taakuleeyay qof dadka degaanka ah waxaa xilliyadda roobka uu da'ayo ay u ahayd dhibaato, mana seexan jirin habeenkii.

Caqabadaha kale ee noloshooda soo wajahay waxaa kamid ah walwal amni, maadaama degaanadaas ay ka howlgalaan Al-Shabaab.

Ciidamadda Kenya ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM iyo kuwa Soomaaliya ee maamulka Jubbaland hoostaga ayaana ku leh fariisimo.

Martin Mwaghazi oo 35-sano jir ah, ayaa tilmaamay in ay sheekadooda la wadaageen ciidamadda Kenya, balse aysan waxba u qaban.

"Xaqiiqadii, waxay noola dhaqmeen si aan wanaagsaneyn. Ciidamadda Soomaaliya waa kuwa na caawiyey, waxay na siiyeen bariis iyo bur kadib markii aan maalmo cunto la'aan ahayn," ayuu raaciyey.

Bishii June 15-keeda isla sanadkan 2020-ka ayay ka lugeeyeen degaaka Raas Kambooni, iyagoo kusii jeeday Kiunga oo ismaamulka Lamu ka tirsan. Kadib su'aallo waydiimo, maalintii xigtay ayay la midoobeen qoyskooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM

Kenya iyo Mareykanka oo ku Heshiiyay Qorshe Cusub 

Madaxweyne Ruto wuxuu sheegay in isaga iyo Rubio ay isku raaceen muhiimadda ay leedahay in la dhiso xafiis gaar ah.

  • Afrika

    20-08-2025

  • 01:43PM