Muxuu yahay iskaashiga ay dhisayaan madaxda ku shirtay Asmara?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Hoggaamiyayaasha Soomaaliya, Ethiopia iyo Eritrea ayaa war-murtiyeed ay kasoo saareen Asmara oo ay maanta ku kulmeen ku sheegay inay doonayaan in la aasaasao Iskaashiga Geeska Afrika.

Illo diblomaasiyadeed ayaa ku qeexay inuu yahay iskaashi cusub oo goboleed.

Dowladahan ayaa horey u kala saxiixdey heshiisyo ku saabsan dhanka ammaanka, ganacsiga iyo horumarinta dhaqaalaha.

Talaabadan cusub ayaa kusoo aadeysa iyaddoo qaar kamid ah dowladahaan ay kusoo fool leeyihiin doorashooyin xasaasi ah.

Si lamid ah, waxay imaaneysaa iyaddoo aanan wali qeyb ahaan aan la fulin heshiiska nabadda ee Itoobiya iyo Eritrea.

Dadka dhaliilsan Iskaashiga cusub oo ay yeelanayaan dowladahaan ayaa sheegaya in maqnaanshiyaha dalalka kale ee Geeska Afrika ay ugu yaraan hoos u dhigi karto saameynta balaaran oo ay sameyn karaan.

Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa war-muritiyeed ay soo saareen ku sheegay inay ku heshiiyeen inay kala tashtaan madaxda kale ee Geeska Afrika sidii looga miro-dhalin lahaa fikirkaasi iskaashiga cusub ee Gobolka Geeska Afrika.

Waxay sheegeen saddexda hoggaamiye inay isla qaateen qorshe waxqabad ee sannadkan 2020-ka iyo wixii ka dambeeyaba, kaasi oo diiradda saaraya laba hadaf oo kala ah xoojinta nabadda, degganaanshaha iyo amniga, iyo kobcinta dhaqalaha iyo horumarinta bulshada.

Dhinaca amniga waxay sheegeen sadedxda hoggaamiye inay ku heshiiyeen inay la dagaalamaan isla markaana baabi’iyaan halista uu gobolku wajahayo ee dhinaca argagisixsada, isku socodka hubka iyo maandooriyayaasha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM