Nigeria: In ka badan 10 arday oo laga soo afurtey dabley afduubatay

Image
Lama ogga haddii lacag madax-furasho la bixiyay. Balse, ciidanku waxay xuseen in ay howlgal kusoo badbaadiyeen.

NAIROBI, Kenya - Ciidamada dowladda Nigeria ayaa waxa ay ku dhawaaqeen inay soo badbaadiyeen lix iyo toban (16) arday oo lagu qafaashay waqooyi galbeed ee dalkaasi oo ay ka dhaceen afduubyo waaweyn.

Dabley ayaa ardaydan qabsatay maalmo uun kadib markii ay si gaar ah u qafaasheen ku dhawaad ​​280 carruur ah oo kasoo jeeda gobolka, halkaas oo kooxaha dembiilayaasha ahi ay beegsadaan dugsiyada si ay uga qaataan lacago madaxfurasho ah.

Ciidanka Nigeria ayaa sheegay in ay sii daayeen 16 arday iyo qof dumar ah Khamiistii. Kooxdan ayaa laga afduubay gobolka Sokoto 9-kii bishii March ee sanadkan 2024.

"La haystayaasha la soo badbaadiyay waxaa lagu wareejiyay dowladda gobolka Sokoto si ay tallaabo dheeraad ah uga qaado," ayuu yiri afhayeenka Major General Edward Buba.

Ma uusan bixin faah faahin ku saabsan howlgalkaasi. Balse, warbaahinta gudaha waxa ay warinaysaa inuu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay howlgalkan.

Afduubka ayaa aad ugu badan dalka Nigeria, dhibanayaashana inta badan waa la sii daayaa ka dib wada xaajood lala yeeshay maamulka, inkastoo sharciga 2022 uu mamnuucay in lacag loo gacan galiyo afduubayaasha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lix Muwaadin oo u dhashay Morocco oo Puntland sii daysay oo dalkooda dib ugu laabtay

Raggan ayaa markii hore lagu qabtay buuraleyda Cal-miskaat ee gobolka Bari ee Puntland bilowgii sannadkii 2024.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 12:19PM

Iskaashi Siman: Faransiiska oo Afrika ugu Deeqay $27 Bilyan oo Maalgashi ah

Waa shirkii ugu horeeyay oo Faransiiska ku qabto dal aan Luuqadda Faransiiska looga hadlin, oo kamid ahayn kuwa uu soo gumeystay.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 11:23AM