Nigeria oo $220 milyan doolar ku ganaaxdey shirkada leh Facebook

Image
Meta ayaa waxaa lagu eedeeyay in ay sameysay xadgudubyo soo laab-laabtey oo chan ah macaamiisha shirkadda.

ABUJA, Nigeria - Nigeria ayaa xadgudubyo "badan iyo soo noqnoqda" aawadeed ganaax dhan $220 milyan oo doolar ku dhufatay Meta, shirkadda iska leh Facebook iyo WhatsApp.

Guddiga tartanka federaalka iyo ilaalinta macaamiisha (FCCPC) ayaa Jimcihii ku eedeeyay Meta inay ku xad gudubtay ilaalinta xogta dalka iyo sharciyada xuquuqda macaamiisha ee Facebook iyo WhatsApp.

Marka laga reebo ganaaxa culus, FCCPC waxay ku adkaystay in Meta ay tahay inay "u hogaansanto sharciga jira oo ay joojiso ka faa'iidaysiga macaamiisha Nigeria iyo xadgudubkooda suuqa".

Guddiga sarre ee FCCPC ayaa ku amray Meta in shirkadu tahay ay "ka waantowdo fal noocaan ah mustaqbalka ama dhaqamada kale ee aan buuxin heerarka qaran ee lagu dabaqi karo."

Meta isla markiiba kama aysan jawaabin codsi ku saabsan in laga jawaabo ganaaxa. Laakiin FCCPC waxay sheegtay in shirkaddu ay ka warqabto baaritaankeeda 38-ka bilood ah.

Sikastaba ha ahaatee, Nigeria waxaa la diiwaan-gishan ilaa 164.3 milyan qof isticmaala internet ah ilaa bishii March, sida lagu sheegay tirooyinka uu daabacay Guddiga Isgaarsiinta Qaranka ee NCC.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Museveni oo hoggaanka u haya doorashada Uganda, mucaaradka oo cabanaya 

Suxufiyiin maxalli ah ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay ka hor istaageen inay gaaraan guriga Bobi Wine ee xaafadda Magere ee Kampala.

  • Afrika

    17-01-2026

  • 12:35PM

Doorashada Uganda: Madaxweyne Museveni oo Raadinaya Markiisii 7-aad

Doorashada ayaa ku bilaabatay jawi kacsan, waxaana la soo sheegayaa in meelaha qaar laga jaray adeeggii internet-ka.

  • Afrika

    15-01-2026

  • 11:56AM