Nigeria oo dalkeeda ka mamnuuceysa Twitter

Image

ABUJA, Nigeria - Nigeria ayaa sheegtay inay si aan la cayimin u joojineyso howlaha Twitter ee dalkeeda, labo maalmood ka dib markii shabakada xiriirka bulshada ay masaxeen qoraal ka soo baxay Madaxweyne Muhammadu Buhari kaasoo ku hanjabay inuu ciqaabi doono gooni goosatada ku nool gobalada weerarada lagu qaado xarumaha dowlada.

Twitter-ka ayaa wuxuu wali ka shaqeynayay dalka ugu dadka badan Afrika kadib go'aankii lama filaanka ahaa ee Nigeria kasoo baxay Jimcihii kaasoo aan lagu caddeyn waqtiga xayiraada bilaabaneyso.

Warkan, oo ay wasaaradda warfaafinta ku shaacisay isla ciwaankeeda Twitter-ka, ayaa wuxuu caro ka dhaliyay dadka adeegsada baraha bulshada ee Nigeria, halkaas oo Twitter-ka aad looga jecel yahay.

Wasiirka warfaafinta Lai Mohammed ayaa xusay in dawladu ay u shaacisay go'aankan maadaama "adeegsiga joogtada ah ee mareega loogu talagalay in lagu waxyeeleeyo jiritaanka shirkadaha Nigeria".

Mohammed ma uusan faahfaahin waxyeeladda uu ka dhawaajiyey, mana uusan bixin faahfaahin ku saabsan nooca ganaaxa uu qaadan doono si lamid ah waqtiga uu soo bixi doono go'aankaas culus.

"Warka ay soo saartay Dowladda Nigeria ee joojinaya howlihii Twitter-ka ee Nigeria waa mid si qoto dheer looga walaaco," ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay Twitter. "Waan baareynaa waana soo bandhigi doonaa wixii kasoo kordha," ayay raacisay.

Arbacadii, shirkadda weyn ee tikniyoolajiyadda Mareykanka ayaa sheegtay in qoraalkii Buhari uu ugu hanjabayo in la ciqaabi doono kooxaha lagu eedeeyo weerarada lagu qaado dhismayaasha dowladda "taasoo xadgudub ku ah siyaasadeena anshax ilaalinta ee Twitter-ka"; ciwaanka madaxweynaha ayayna hawada ka saartey 12-saacood.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Warshadda Dangote ee Lamu: waxay rabtaa suuqgeyn ka ballaaran Bariga Afrika

Baaxadda warshadda ayaa su’aal gelinaysa inta uu le’eg yahay suuqa…

  • Afrika

    02-10-2026

  • 02:42PM

Masar oo diblomaasi Itoobiyaan ah ka saartay dalka, 48 saacadoodna u qabatay

Tallaabooyinka is-daba jooga ah ayaa sii xumeynaya xiriirrada diblomaasiyadeed ee u dhexeeya dalalka gobolka.

  • Afrika

    02-10-2026

  • 07:52AM