Nigeria: Ugu yaraan 127 qof oo lagu dilay weerar aargoosi ah

Image
Dhacdadaas ayaa waxay sababtay in dableyda ay dab qabadsiiyeen dukaamo iyo guryo.

NAIROBI, Kenya - Maleeshiyo looga shakisan yahay inay Boko Haram ka tirsan yihiin ayaa weerarat tuulo ku taal waqooyi bari Nigeria iyagoo wata mootooyin, waxayna rasaas ku fureen suuq.

Dhacdadaas ayaa waxay sababtay in dableyda ay dab qabadsiiyeen dukaamo iyo guryo, iyagoo dilay ugu yaraan 127 qof, sida ay sheegeen Amnesty International iyo booliska.

Weerarkan uu dhiigga badan ku daatay ayaa wuxuu ka dhacay Yobe, oo ka mid ah saddexda gobol ee safka hore ee fallaagada oo socday 15 sano.

Kumanaan reer Nigeria ah ayaa la dilay in ka badan laba milyanna waa ay barakaceen dagaalkan ay hormuud u tahay kooxda hubeysan ee Boko Haram.

Afhayeen u hadlay booliiska Yobe, Dungus Abdulkarim, ayaa sheegay in weerarka ka dhacay tuulada Mafa ee Yobe uu ahaa mid muuqata aargoosi ku aaddan dilka laba qof oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Boko Xaraam oo ay dileen ilaalada deegaanka.

"Ka dib markii ay rasaas ku fureen suuqa oo ay gubeen dhismayaal, dableyda ayaa duurka ku eryaday dadkii kale ee deganaa, wayna toogteen," ayuu Cabdulqaadir hadalkiisa ku daray.

"Argagixisadu waxay dileen dad badan, laakiin weli ma xaqiijin karno khasaaraha dhabta ah," ayuu yiri Abdulkarim kaasoo dadweynaha ka codsaday in ay ku taageeraan ciidanka dabar-goynta kooxda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Imaaraadka Carabta oo ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah oo laga sameeyo Itoobiya

Imaaraadka ayaa sheegay in xaaladda cusub ay khatar ku tahay midnimada, madaxbannaanida iyo xasilloonida Itoobiya.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 12:34PM

Aliko Dangote oo dhisaya dhuun shidaal oo Itoobiya iyo Jabuuti isku xiri doonta

Jabuuti ayaa iyaduna ka faa’iidi doonta mashruuca, iyadoo la filayo inay kordhaan shaqooyinka, dhaqdhaqaaqa dekedda iyo dakhliga dowladda.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 05:29AM