Nigeria: Ugu yaraan 140 qof oo lagu dilay weerar gaadmo ah

Image
Waa kiiskii ugu dambeeyay ee dil wadareed ah kaasoo qeyb ka ah isku-dhaca u dhaxeeyay beeralayda iyo xoolo-dhaqatada.

NAIROBI, Kenya - Dabley ayaa weerar ku qaaday tuulooyin ku yaalla baadiyaha Nigeria gaar ahaan gobolka gobolka Plateau ee waqooyi-dhexe dalkaas horaanta todobaadkan aan ku jirno.

Kooxda hubeysan ayaa halkaas waxa ay ku dileen ugu yaraan 140 qof, sidda ay sheegeen saraakiisha hay'adaha nabad-gelyadda iyo dadkii ka badbaaday Talaadadii shalay ahyad.

Waa kiiskii ugu dambeeyay ee dil wadareed ah kaasoo qeyb ka ah isku-dhaca u dhaxeeyay beeralayda iyo xoolo-dhaqatada ku nool waddankan ku yaalla Galbeedka qaaradda Afrika.

"Kooxda hubeysan ayaa 17-qof oo shacab ah ku beegsaday weerarro "macno-la'aan ah oo aan loo meel dayin" Sabtidii iyo Axaddii, iyagoo gubay inta badan guryihii aaggaas ku yaalla," ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Plateau, Caleb Mutfwang.

Mutfwang wuxuu intaas ku daray: “Sida aan idinla hadlayo, gobolka Manguu oo kaliya, waxaanu ku aasnay ​​15 qof, ilaa saaka Bokkoos waxa aanu tirinaynaa mayd aan ka yarayn 100 qof, wali ma hayo [dhimashada] Barkiin Ladi".

Xafiiska Amnesty International ee Nigeria ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press in ilaa hadda ay xaqiijiyeen in 140 qof ay ku dhinteen deegaannada Bokkos iyo Barkin-Ladi ee Plateau.

Labadan degaan waxa ku badan Masiixiyiinta. Tirokoobka Hay'adda Amnesty ayaa waxa ku saleysan tahay xogta ay soo ururiyeen shaqaalaheeda goobta ku sugan iyo saraakiisha maxalliga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lix Muwaadin oo u dhashay Morocco oo Puntland sii daysay oo dalkooda dib ugu laabtay

Raggan ayaa markii hore lagu qabtay buuraleyda Cal-miskaat ee gobolka Bari ee Puntland bilowgii sannadkii 2024.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 12:19PM

Iskaashi Siman: Faransiiska oo Afrika ugu Deeqay $27 Bilyan oo Maalgashi ah

Waa shirkii ugu horeeyay oo Faransiiska ku qabto dal aan Luuqadda Faransiiska looga hadlin, oo kamid ahayn kuwa uu soo gumeystay.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 11:23AM