Nigeria: Wiil dil loogu xukumay inuu xaday ukun iyo digaag oo la cafiyay

Image
Segun Olowookere wuxuu jiray 17 sano 2010 markii lala xiray ninkii la socday.

NAIROBI, Kenya - Nin u dhashay dalka Nayjeeriya ayaa waxaa loo fidiyey cafis u fidiyay kadib markii 10 sano kahor dil toogasho loogu xukumay inuu xaday ukun iyo digaag.

Go'aanka cafiska ayaa waxaa soo saarey barasaabka dowlad goboleedka Koonfur-galbeed ee Osun. Segun Olowookere wuxuu jiray 17 sano 2010 markii lala xiray ninkii la socday, sidda ay sheegtay Morakinyo Sunday.

Waxaa la sheegay in guri ay degenaayeen askari boolis ah iyo qof kale ay ku weerareen qori ka sameysan alwaax ah iyo seef balse kaliya ay la tageen digaagii.

Sannadkii 2014-kii, garsoore Jide Falola oo ka tirsan maxkamadda sare ee gobolka Osun ayaa labadan qof ku xukuntay dil daldalaad ah, kaddib markii lagu helay inay xoog ku galeen guriga sarkaalka booliiska ka tirsan oo ay alaabtiisa ka xadeen.

Waxaa jirtay qaylo dhaan guud ahaan Nigeria xiligaas iyadoo dad badan ay dareemeen in xukunka uu ahaa mid aad u adag isla markaana aanan u qalimin xukunka adag ee laga soo saarey.

Waxaa la filayaa in la sii daayo horraanta sanadka 2025-ka. Nigeria ayaan wax dil ah fulin tan iyo sanadkii 2012-kii balse waxaa hadda lagu xukumay dil in ka badan 3,400 oo qof.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Imaaraadka Carabta oo ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah oo laga sameeyo Itoobiya

Imaaraadka ayaa sheegay in xaaladda cusub ay khatar ku tahay midnimada, madaxbannaanida iyo xasilloonida Itoobiya.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 12:34PM

Aliko Dangote oo dhisaya dhuun shidaal oo Itoobiya iyo Jabuuti isku xiri doonta

Jabuuti ayaa iyaduna ka faa’iidi doonta mashruuca, iyadoo la filayo inay kordhaan shaqooyinka, dhaqdhaqaaqa dekedda iyo dakhliga dowladda.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 05:29AM