Nin kasoo baxsaday Al-Shabaab oo toogasho lagu dilay

Image

NAIROBI, Kenya – Dabley aan wali la aqoonsan ayaa lagu waramayaa in shaqsi dhowaan kasoo laabtey Al-Shabaab ay ku dileen degaanka Watamu oo ku dhow magaala xeebeedka Mombasa ee dalka Kenya.

Wargeyska Daily Nation ayaa magaca ninka la dilay ku sheegay Cumar Saalim Unda, kaasoo ahaa 27-sano jir.

Sidda ay sheegayaan warbixinadda, Unda ayaa saddex jeer laga toogtay madaxa iyo qoorta, isagoo kusii jeeda hoygiisa.

Unda ayaa la sheegay in uu dhowaan kasoo baxay xarun dhaqan-celin ka gedaal markii uu kasoo laabtay Soomaaliya, halkaasoo looga shakiyey in uu kaga biiray ururka gacansaarka la leh Al-Qaacida.

Isu duwanaha gobolka xeebta, John Elungata, ayaa ku waaniyey shacabka in ay qayb ka noqdaan sugida ammaanka wadada isku xirta Lamu iyo Mombasa, oo dilka Unda uu ka dhacay.

"Badi wadadan waxaa roondo ku sameeya ciidamadda gaar ahaan booliska iyo milatariga," ayuu yiri, isagoo ku daray "Howlgalada ka dhanka ah dambiileyaasha way socdaan".

Dilka Cumar Saalim Unda oo dhacay Talaadadii lasoo dhaafay ayaa kusoo aadaya xili Kenya ay ciidamadeeda gelisay heegan sarre isla markaana laga cabsi qabo in Al-Shabaab ay weeraro ka geysato dalkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM