ONLF iyo Jubaland oo warar is-burinaya kasoo saaray kulanka Nairobi
NAIROBI, Kenya – Shirka la hadal hayo in uu dhexmaray Axmed Madoobe, madaxweynaha Jubaland, iyo hogaanka Jabhadda Xoreynta Ogaadeeniya, waa waxbo kama jiraan, sidda ay shaacisay ONLF.
Wargeyska Addis Standard ee Itoobiya ayaa tilmaamay in Axmed Madoobe uu Nairobi kula shiray Cabdiraxmaan Mahdi Maadey, gudoomiyaha ONLF, ayna ka walaacsan tahay xukuumadda Addis Ababa.
Dhinacyaddan ayaa tan iyo Axadii ku sugnaa magaala madaxda Kenya. Maamulka Axmed Madoobe ma caddeyn ajendaha uu daaran yahay safarkooda dalkaas.
Qoraal lagu daabacay barta gaarka ah ee Twitter-ka ku leedahay ONLF ayaa ku eedeeyay joornaalka Itoobiyaanka ah "faafinta been abuur wiiqeysa sharafta saxaafadda"
"Waxaan ku waanineynaa Addis Standard in uu u hogaansamo sharafta warbaahinta, uuna macluumaadka ka helo illo lagu kalsoonaan karo halkii uu faafin lahaa waxyaabo leysla dhexmarayo," ayuu xisbiga ku daray.
Dhinaca kale, Madaxtooyadda Jubaland oo xaqiijisay kulanka soona bandhigtay sawiradda ayaa shaacisay ajendaha kulanka iyo qodobadda ay kawada hadleen.
"Kulankan [ayaa] ahaa Hambalyo madaxweynuhu ugu hambalyeynayay doorashada gudoomiyaha cusub ee xisbiga ONLF mudane Cabdiraxmaan Maadey," ayuu yiri xafiiska Axmed Madoobe.
Mar uu xafiiska sharaxayey qodobadda looga hadlay is-aragga waxay raaciyeen:"..is xogwareysi dhanka siyaasadda geeska Afrika iyo iskuwadida bulshada dal iyo dibadba".
"[Kulanka] ayaa kusoo dhamaadey is afgarad buuxa iyo sidii loo ilaalin lahaa isku duubnida ummada Soomaaliyeed dalkastaba ha joogaane," ayaa lagu soo gabagabeeyay war-saxaafadeedka.
ONLF, oo heshiis nabadeed la gashay dowladda Abiy Axmed ayaa waxay ku dartay "way naga go’an tahay nabadda iyo xasiloonida Geeska Afrika. Waxaana la fariisan doonaa daneeyeyaasha si loo helo xasiloonida".
Jaraa'idka ayaa tibaaxay in labadda dhinac ay kawada xaajoodeen khalaasaha siyaasadeed ee ka jira Jubaland, halkaas oo dowladda federaalka Soomaaliya iyo Itoobiya ay farogelin ka wadaan.
Ciidamo Itoobiyaan ah oo aan kamid ahayn howlgalka AMISOM ayaa damacsan in ay gobolka Gedo ka hirgeliyaan maamul sharci darro ah oo u adeegaya danaha Villa Soomaaliya.
ONLF ayaa ah xisbiga ugu muhiimsan ee ismaamulka Soomaalida. Madaxweynaha degaanka, Mustafa Cagjar, ayaa xiriir fiican la leh dowladda Farmaajo, wuxuuna taageersan yahay xadgudubyadda Itoobiya.
Mas'uuliyiinta dowlad goboleedka Jubaland ayaa ka dalbaday Beesha Caalamka in ciidanka Itoobiya laga saaro gobolka, halkaas oo ay kawadaan juujuub iyo cabsi gelin.
Dowladdaha deriska ah ee Kenya iyo Itoobiya oo dhankooda joogitaan ciidan ku leh gobolka ayaa keentay in ay "ku coloobaan", taas oo Jubaland ka dhigtay fagaare ay murqahooda ku tijaabiyaan wadamadan.
GAROWE ONLINE