ONLF oo shaacisay mowqifkeeda xasilooni daradda ka taagan Itoobiya

Image

JIGJIGA, Ethiopia – Jabhadda Xorreynta Ogaadeeniya ee loo garan og-yahay ONLF kana mid ah xisbiyadda mucaaradka degaanka Soomaali Galbeed iyo Itoobiya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay xasarada dalkaas.

Rabshadaha oo ka dhashay dilka fanaanka reer Oromiya ahaana u dhaqaaqe bulsho Hachalu Hundessa ayaa galaaftay nolosha in ka badan 80 ruux, iyaddoo lagu burburiyey dhismeyaal dowladeed iyo taalooyin.

Ciidamada ammaanka ayaa xiray in ka badan 40 qof oo lagu eedeeyay in ay abaabuleen rabashadaha. Dadka xabsiga loo taxaabay waxaa kamid ah siyaasiyiin mucaarad ah oo uu kamid yahay Jawar Maxamed.

Ra'iisul wasaare Abiy Axmed oo sheegay in dilka laga damacsanaa kicinta colaad sokeeye ayaa tibaaxay in ay ka hortageen shirqoolkaas.

ONLF oo soo saartay war-saxaafadeed isla markaana tacsi u dirtay ehelka, asxaabta iyo qoyska Hundessa ayaa ku baaqay in laga fogaado colaad.

Bayaanka ayaa intaas waxaa la raaciyey "ONLF waxay ugu baaqeysaa kuwa ka carooday dhimashada Hachalu Hundessa in ay is-dejiyaan ayna tusaan kuwa ku talogalay in ay abuuraan burbur aysan guuleysan doonin".

"Ugu dambeyntii, ONLF waxay ugu baaqeysaa dhamaan dhinacyadda in ay ka fogaadaan jahwareer kana wadashaqeeyaan sidii looga hortagi lahaa qalalaaso ka dhasha dhacdooyinkan nasiib-darada ah, hadii qowleysatada wuu u fuli doonaa qorshahooda," ayay lagu soo xiray qoraalka jabhadda.

Hachalu Hundessa oo kasoo jeeday qowmiyadda tirada badan ee Oromada ayaa inta badan ku luuqeyn jiray heesaha ku saleysan raadinta xuquuqda bulshadiisa, waxaana uu qayb ka ahaa isbedelkii uu Abiy Axmed ku yimid.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Burkina Faso xiriirka ugu jartay dalkii hore u gumeysan jiray ee Faransiiska?

Xiriirka u dhexeeyay Burkina Faso iyo Faransiiska ayaa si weyn u xumaaday tan iyo afgambigii militari ee dhacay sanadkii 2022.

  • Afrika

    30-06-2026

  • 06:55AM

Midowga Afrika: Doorashada Itoobiya waxay muujisay rabitaanka dimuqraadiyadeed ee dadka

Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay ururku uga go’an tahay taageeridda dimuqraadiyadda dalalka xubnaha ka ah.

  • Afrika

    23-06-2026

  • 01:00PM