Qalbi dhagax oo si adag uga jawaabay hadalkii Cabdi Xaashi Cabdullaahi

Image

NAIROBI, Kenya – Cabdikariin Muuse Qalbi dhagax ayaa markii ugu horeysay wuxuu si furan uga jawaabay hadalkii kasoo yeeray afhayeenka Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ee ku saabsanaa dhiibistiisa.

Qalbi dhagax oo wareysi gaar ah siiyey SSTV ayaa erayada kasoo yeeray Cabdi Xaashi Cabdullaahi ku tilmaamay "qiyaali iyo been abuur".

"Waxaasi waa been abuur iyo qiyaaligoodii, dadka dambiyadda galay ayaana lagu yaqaanaa," ayuu yiri, isagoo intaas ku daray: "Waxyaabo been abuur ah oo nafla-caarinimo ah in ay ku hadlaan baan lagu yaqaanaa".

Wuxuu raaciyey: "Waxaa la yiraahdaa neef la gowracay geedo kama waabto, waa neef la gowracay oo aan meelna ka waabanaynin".

Kadib wareysi uu siiyey Horufadhi Media, Cabdi Xaashi ayaa mas'uuliyadda dhiibista Qalbi dhagax ka weeciyey Farmaajo, isagoo dusha u saarey Cabdullaahi Sanbaloolshe, taliyihii sirdoonka Soomaaliya.

"Sanbaloolshe ayaa yiri Qalbi dhagax wuxuu wataa baasaboor Itoobiyaan ah, wuxuuna rabaa in uu isku dhiibo Ethiopia dowladda Soomaaliyana ay ka caawiso," ayuu xusay. "Isagaa sidaas yiri," ayuu ku adkeystay

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo hadalka Cabdi Xaashi aad uga soo horjeestay ayaa ku tilmaamay gudoomiyaha Sanate-ka "denbi qariye".

"Haddii Cabdi Xaashi uu waraysigan bixin lahaa maalmihii doodda kiiska Qalbidhagax taagnayd, waxaan la is oran lahaa waa ka daacad wuxuu sheegayo, laakiin isagoo xog-ogaal u ah xaqiiqada dhacdooyinka isdaba taxnaa ee kiiska Qalbidhagax in uu si ula kac ah masuuliyadda uga leexiyo madaxweynaha kuna eed tiro waxey dhaawacaysaa shakhsiyaddiisa, wuxuuna ku gabood falay xilka uu ummada u hayo, wuxuuna ku xadgudbay garaadka muwaadinka Soomaaliyeed," ayuu yiri hogaamiyaha xisbiga Wadajir.

Ugu dambeyntii, Qalbi dhagax, oo ka tirsanaa ciidamadda Soomaaliya ee dagaalkii 1977 la galay Itoobiya, ayaa ganafka ku dhuftay wararka sheegaya in xiligii la dhiibayey iyo hadaba uu haysto baasaboor Itoobiyaan ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM