Qarax khasaaro kala duwan dhaliyey oo ka dhacay Kenya

Image

IJAR, Kenya - Ugu yaraan 3 qof ayaa ku dhimatay qarax culus oo maanta ka dhacay gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha amniga.

Isku duwaha gobolka, Nick Ndalana ayaa xaqiijiyay in weerarka uu ka dhashay qarax miino oo lala eegtay gaari Toyota Land Cruiser xilli uu ku safrayay Korahindi oo u dhaxeeya Sangailu iyo Hulugho.

Darawalka gaariga iyo labo kale oo la socotay ayaa ku geeriyootay qaraxa, iyadoo ay jiraan labo kale oo dhaawacyo kasoo gaarey weerarka, kuwaasoo la dhigay xaruumaha caafimaadka dalka Kenya.

Gaariga oo ahaa nooca Ambulance ayaa la sheegay inuu qof bukaan ah u wadey degmada Masalani, oo katirsan gobolka waqooyi bari, halkaasi oo maalmihii dambe ay ka dhaceen qaraxyo iyo weeraro kale.

Booliska ayaa sheegay in Qaraxa uu yimid maalin kadib markii lix kamid ah Al-Shabaab ay ciidanka Kenya ku dileen dagaal ka dhacay Jimcihii degaanka Jirole, oo hoostaga degmada Garissa.

Cabdimaalik Cali, oo degan goobta uu qaraxa ka dhacay maanta, ayaa warsidaha Garowe Online u sheegay in haweeney iyo askar boolis ah ay ka badbaadeen weerarka, kuwaasoo soo gaarey dhaawac.

“Gaariga Ambulance wuxuu wadey qof bukaan ah iyo xubno katirsan qoyskiisa, oo ay wehlinayeen askar boolis ah,” ayuu yiri C/maalik, oo xaqiijiyay in labada dhimatay ay ahaayeen bukaanka dadkiisa.

Goobjoogaha ayaa sidoo kale xusay in qaraxa kadib ay goobta soo gaareen askar katirsan ciidanka difaaca dalka Kenya oo wata diyaarad helicopter ah, taasoo lagu qaadey dhaawacyada.

Tuulada Ijara ayaa mudooyinka dambe ahayd mid Al-Shabaab ay ku tababarto iyo qorato dagaalyahanada cusub ee weerarada ku qaada ciidanka iyo dadka haysta diinta kirishtaanka.

Safiya Cabdi, oo ah Xildhibaan laga soo doortay Ijara ayaa dhawaan ugu baaqday dowladda Kenya inay ciidan dheeraad ah u dirto tuulada, si wax looga qabto amniga iyo weerarada Kooxda Al-Shabaab.

Tan iyo bishii January, 2020, Al-Shabaab ayaa in ka badan 18 weerar ka fulisay magaalooyinka Wajeer, Mandheer, Garissa iyo Lamu, iyadoo dishay dad gaaraya 20 qof.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shir ka dhacay Afrika oo ku baaqay cunaqabatayn ka dhan ah Israa'iil

Kulankan ayaa waxaa yeeshay dalalka xubnaha Ururka Iskaashiga Islaamka ee loo yaqaano OIC.

  • Afrika

    06-05-2024

  • 04:23AM

Mareykanka oo Rwanda ku eedeeyay duqeyn lala eegtay xero barakac

Ciidamada Kongo iyo xoogaga M23 ayaa midba midka kale ku eedeeyay weerarka.

  • Afrika

    05-05-2024

  • 08:17AM