Qareenada Xildhibaankii feeray Faadumo oo qiil u yeelay tacadiga

Image

NAIROBI, Kenya – Xildhibaanka bariga gobolka Wajeer laga soo doorto ee Rashiid Qaasim ayaa maxkamad loosoo taagey in uu gacan-qaad ku sameeyay Faadumo Geedi, oo metasha haweenka degaankaasi.

Dhirbaaxada ayaa waxa uu Raashiid ku dhuftay Faadumo daqiiqado kadib markii ay kasoo baxeen fadhiga baarlamaanka, barqinimadii Khamiista, kahor inta aysan dood kulul ku dhex-marin kulanka dhexdiisa.

Isla markiiba, Faadumo ayaa waxay dacwad ka gudbisay Raashiid, kaasoo durba lagu xiray saldhiga Booliska ee gudaha dhismaha sharcidejinta.

Doodooda ayaa ku saabsaneyd sababta Geedi oo kamid ah Guddiga Miisaaniyadda aysan wax lacag ah ugu qoodeyn halka laga soo doorto Qaasim.

Xeer-ilaalinta ayaa kusoo oogtay dacwad ku saabsan in uu dhaawac u geystay jirka Xildhibaanada oo uu ka muuqday dhibaatada lagula kacay.

Balse waxa uu maxkamadda u sheegay in uusan geysan wax qalad ah kahor inta uusan garsoore Francis Andayi xorriyadiisa ugu celin damaanad lacageed oo gaareysa 491 dollar-ka Mareykanka ah.

Sidda laga soo xigtay Nairobi News, qareenadda Mudanaha yaaa u sheegay maxkamadda in xeer-dejiyaha uu habeenimadii Jimcaha "la kulmay dhibaato caafimaad oo maskaxda ah".

"Isla habeenkii, waxaa loola cararay Isbitaalka Aga Khan, halkaasi oo tijaabo caafimaad looga soo qaadey," ayey u sheegeen maxkamadda.

Sikastaba ha ahaatee, dhacdada uu Rashiid ugu gacan-qaadey Faadumo oo soo jiidatay indhaha dad badan ayaa waxaa dadka ka fal-celiyey oo aad u badnaa ay ahaayeen kuwa si weyn ugu lala qaybsamay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabuuti oo u diyaar garowday doorashada madaxtooyada, Geelle oo la filayo inuu guuleysto

Doorashadii ugu dambeysay ee 2021 ayuu ku guuleystay Geelle qiyaastii 98 boqolkiiba codadkii la dhiibtay.

  • Afrika

    09-04-2026

  • 12:03PM

Ciidanka Kenya oo Islii ku Qabtay Dharka Tuutaha oo loo waday Al-Shabaab

Saraakiisha amniga Kenya ayaa sheegay in hawlgalkan uu dhabar-jab weyn ku yahay saadka iyo qorshayaasha kooxda Al-Shabaab.

  • Afrika

    09-04-2026

  • 06:19AM