Qiimaha lagu iibinayo Buug uu qoray Abiy Axmed oo lasoo bandhigay

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Buug uu qoray ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed Cali, ayaa Sabtidii 19-ka October 2019, waxaa lagu soo bandhigay in ka badan 30 magaalo oo ku yaala dalkaas.

Ciwaanka buuga oo ka kooban 280 bog kana hadlaya dhaqaalaha, siyaasada iyo geedi u socodka xiriirka arrimaha dibadda Itoobiya ee sanada soo aadan ayaa waxa uu yahay "is-dhexgal".

Qiimaha buuga oo durba laga koobiyeeyay hal milyan lana geyn doono goobaha waxbarashada Itoobiya gaar ahaan tuulooyinka ayaa wuxuu gaarayaa aduun dhan $10 [tobban Doollar].

Abiy oo kasoo muuqday mid kamid ah munaasabadaha bandhiga ee Addis Ababa ayaa xusay in ku guuleysigiisa biladda nabada aduunka ay sarre uu qaaday sumcada Itoobiyaanka.

Eedeymo ku aadan in uu doonayo dhismaha nidaam dowladeed oo kalitalisnimo ah ayuu iska fogeeyay, wuxuuna caddeeyay in qorshaha ay ugu jirto furfuritaanka hay’addaha dowladda.

Itoobiya iyo Eritrea ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay in wixii hadda ka dambeeya aysan isku arki doonin dowladdo cadow isku ah. "Walaalaha wey murmaan, balse caddow ma noqdaan abid".

Abiy Axmed oo hormuud u noqday isbedel ku yimaada siyaasadda Itoobiya iyo mida gobolka ayaa xafiiska jooga tan iyo bishii April ee sanadkan, wuxuuna ku yimaaday kacdoon shacab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed: Helitaanka Badda waa Arrin "Jiritaan" u ah 130-ka Milyan ee ku nool Itoobiya

"Amniga iyo xasilloonida Geeska Afrika waxay ku xiran yihiin in Itoobiya ay hesho marin badeed," ayuu yiri Abiy Ahmed.

  • Afrika

    14-02-2026

  • 11:41AM

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga oo gaaray Addis Ababa, Itoobiya

Booqashadan ayaa ku xigtay booqasho uu Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, Gedion Timothewos.

  • Afrika

    11-02-2026

  • 01:53PM