Qisada darawal ka badbaadey weerar ay Al-Shabaab ku beegsatay

Image

NAIROBI, Kenya – Laba qof ayaa la dilay mid kale waa la la'yahay kadib markii Al-Shabaab ay fiidnimadii Jimcaha jidka u galeen bas ku socdaalayey Mandera, magaalo ku dhow xuduudka Soomaaliya iyo Kenya.

Darawalka baska oo wareysi gaar ah siiyey VOA-da ayaa sawir guud ka bixiyey qaabkii ay wax u dhaceen habeenkaas.

Anas Cabdinuur oo todoba sano ka shaqeynaya wadada Mandera yo Nairobi ayaa waday rakaab tiradoodu gaareysay 59.

Xili uu gabagabo ahaa safarkooda, abaare shantii iyo barkii maalintii Arbacada, wuxuu arkay gaari lagu jaray wadadii ay ku socdeen.

"Rasaas ayaan maqlay anigoo isku dayaya in aan xaraawaha yareeyo kadibna waxaa na joojiyey gaari kale," ayuu hadalkiisu ku daray.

Tiradda dagaalameyaasha fuliyey weerarkaas waxay ahaayeen 30, sidda laga soo xigtay Cabdi oo xusay in rakaabka laga daadiyey.

"Markii ay nasoo gaareen waxay qof walba u sheegeen in uu kasoo dego gaariga. Aniga way i garaaceen. Waxay i waydiiyeen su'aallo. Imisa rakaab oo aan degaanka u dhalan baa sidaa? Waxaan u sheegay in aysan jirin. Mid mid ay u hubiyeen…Waxay sheegeen in ay raadinayaa dadyowga aan Muslimka ahayd," ayuu hadalkiisu daaha ka rogay.

Isagoo sheegay in ay go'doonkaas ku jireen hal saac, wuxuu aaminsan yahay in dagaalameyaasha ay muddo badan ku sugnaayeen halkaas, isla markaana ay qarxiyeen wada kana wateen gaari kale.

Meydka laba ruux oo looga shakisan yahay in ay la socdeen gaariga dableyda ee wadada lagu jaray, wallow aan la caddeyn qaabka.

Baabuurka Cabdinuur ma jirto cid laga dilay, si lamid ah, dagaalameyaasha way ka weecdaan gaarigan maadaama uusan la socon bartilmaameedkooda oo ahaa dadka aan Muslim-ka ahayn.

Mandera ayaa waxay leedahay waaya-aragnimo ku filan oo weerarada Al-Shabaab ah. Shan sano kahor, weerarkii Jaamacadda degmada Mandera waxaa lagu kaarijiyey in 14 oo dhamaantooda ahaa dad shacab ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lix Muwaadin oo u dhashay Morocco oo Puntland sii daysay oo dalkooda dib ugu laabtay

Raggan ayaa markii hore lagu qabtay buuraleyda Cal-miskaat ee gobolka Bari ee Puntland bilowgii sannadkii 2024.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 12:19PM

Iskaashi Siman: Faransiiska oo Afrika ugu Deeqay $27 Bilyan oo Maalgashi ah

Waa shirkii ugu horeeyay oo Faransiiska ku qabto dal aan Luuqadda Faransiiska looga hadlin, oo kamid ahayn kuwa uu soo gumeystay.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 11:23AM