"Uhuru marka la yimaado miiska wuxuu u talin karaa qowmiyadiisa"

Image

NAIROBI, Kenya – Siyaasadda Kenya mid kamid ah mawduucyadda ugu waaweyn waxaa kamid ah BBI, oo ah afti laga soo uruuriyey dadweynaha oo la doonayo in lagu bedelo dastuurka dalkaas.

Isbedeladda ku xusan mashruucaan waxaa kamid ah in la sameeyo jago ra'iisul wasaare iyo tirada baarlamaanka oo la dhimayo.

Hogaamiyeyaasha talada haya iyo mucaaradka ayaa si weyn ugu kala qeybsamay BBI gaar ahaan hay'addaha fulinta iyo xeer-dejinta.

Soomaalida oo kamid ah qowmiyadaha ugu dadka badan Kenya ayaa siyaasiyiintooda waxaa la sheegay in aragtidooda mideysan tahay, wallow ay jirto kala aragti-duwanaanshiyo aan buurneyn.

Inkasta oo gebi ahaan ay taageersan yihiin BBI, haddana waxaa jira qodob halis ku ah oo ay ka gebiyo diidan yihiin.

Qodobkaas wuxuu xeerinayaa in awood-qeybsiga sida dhaqaalaha, kuraasta iyo xilalka lagu saleeyo tirada dadka.

Tani ayaa ka hor-imaaneysa dastuurka haatan jira oo faraya in lagu jaan-gooyo cadadka bulshadda iyo balaca gobolada ay degaan.

Wallow ay haystaan dhulka ugu badan Kenya, haddana Soomaalida waxay kamid yihiin qowiyadaha ugu tiradda yar, taasoo caqabad ku ah.

Aadan Barre Ducaale, hogaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kenya ahna siyaasiga Soomaaliyeed ee xilka ugu sareeya ka haya waddankaas, wuxuu hogaaminayaa ololaha qowmiyadda.

Halheyska caan-baxay ee Ducaale uu ku diidan yahay BBI wuxuu yahay "dhaanto uu nin kale soo xiray ma ciyaaraayi".

"Dhaantada way balaaran tahay laakiin, marka la yimaado miiska gobol walba wuxuu leeyahay masaaxil gooni ah," ayuu u sheegay VOA-da.

Isagoo xubin ka ah xisbiga talada haya ee Jubilee, haddana taasi kama hor-istaageyso in uu difaaca danta degaankiisa.

Maadaama dhinacyadda kale u mideysan yihiin dadka degaankooda, siyaasiyiinta Soomaalida ayuu ku waaniyey in aysan kala qeybsamin.

"Uhuru Kenyatta marka miiska lasoo fariisto qowmiyadiisa ayuu u talin karaa, William Ruto waa lamid, Raila [Odinga] waa lamid…siyaasiyiinta Soomaalida Kenya waxaan rabaa in aan u sheego in talaabo kasta oo aan qaadeyno in ay noqoto mid wax tar u eh bulshada nasoo dooratay," ayuu xusay.

Ducaale oo ku adkeystay in aysan ogolaan doonin qorshahaan inta uu ku jiro qodobkaas muranka dhaliyey ayaa dhanka kale daboolka ka qaadey in Soomaalida Kenya uu culeys badan soo food-saarey.

"Bulshada Soomaalida Kenya toosh ayaa lagu hayaa waa bulsho firfircoon xaga ganacsiga waa bulsho kobaceeda uu zaa'id u socdo xaga siyaasiga, xaga dhaqaalaha iyo bulsho ahaan," ayuu yiri.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Uganda oo si qarsoodi ah Ciidamo badan ugu dirtay Congo

Si kastaba ha ahaatee, khubarada Qaramada Midoobay ayaa aaminsan in ujeedada dhabta ah aysan ahayn kaliya la-dagaallanka kooxaha hubeysan.

  • Afrika

    05-07-2025

  • 06:47AM

Baarlamaanka Mali oo Ansixiyay Sharci Siinaya Gen. Assimi Goita Awood Madaxweyne Aan La Dooran

Go'aanka Khamiistii la gaaray ayaa fursad u siinaya Gen. Goita inuu sii xukumo Mali ugu yaraan ilaa sanadka 2030.

  • Afrika

    05-07-2025

  • 05:42AM