Qorshaha ONLF ee doorashadda Itoobiya: Xukun ama saami raadin?

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Ururka ONLF ayaa Isniintii, 11-ka November 2019-ka, wuxuu yeeshay guddoomiye cusub kadib doorasho ka qabsoontay magaaladda Godey ee ismaamulka Soomaalida dalka Itoobiya.

Cabdiraxmaan Sheekh Mahdi oo muddo dheer soo ahaa Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Ururka ayaa kusoo baxay Guddoomiyaha cusub ee ONLF, waxaana uu ka guulaystay Axmed Yaasiin.

Cod-bixinta oo qarsoodi ahayd ayuu Cabdiraxmaan Mahdi ka helay 340 cod, halka murashax Axmed Yaasiin uu ururusaday 247 cod.

"Doorashadan waxaan u arkaa in ay fursad ii siineyso in aan diyaariyo jiilkii halganka sii wadi lahaa," ayuu yiri Mahdi markii uu Yaasiin ogolaaday in laga badiyey balanqaadeyna wadashaqeyn.

Mr Mahdi ayaa wuxuu beddelayaa Admiral Maxamed Cumar Cismaan oo xilkaas ka fariisanaya in ka badan 20 [labaatan] sano kadib.

Admiral Cismaan oo la sheegay in uu go'aan iskiisa ah qaatay ayaa kamid ahaa saraakiishii dowladii kacaanka ee waddanka Soomaaliya.

Doorashadda ayaa waxay kamid ahayd qodobada kasoo baxay shirweyne ONLF uga socday Godey, kaasoo lagu ansixiyey istiraatijiyada cusub ee ururka.

Dhinaca kale, waxaa maxsuulka lagu soo dhaweeyey heshiiskii ururku la galay dawladda federaalka Itoobiya sannadkii hore ee 2018-kii.

Mahdi oo wareysi gaar ah siiyey idaacadda VOA-da laanta Af Soomaaliga ayaa wuxuu ka hadlay qorsheyaasha u degan shaqsi ahaan iyo ururka.

"Hogaanka Halganka"

Gudoomiyaha cusub ayaa tilmaamay in qorsheyaasha hor-tabinta u leh ay kamid tahay mideynta ururka "maadaama mar walba oo doorasho dhacdo uu tartan abuurmo".

"Geeska Afrika hardan cusub baa ka socda, qowmiyadihii Itoobiya kuwada jiray qolo walba danteeda ayay u qalab qaadatay, Soomaaliduna meesha ugu hooseysa ayaan kaga jirnaa, marka waa in la mideeyo oo hal hadaf Qaran yeelato".

Xoojinta nabadda, diyaarinta ajendeyaasha Qaran, u diyaar-garowga doorashada soo aadan ee Itoobiya iyo kala xulashada xisbiga ay isbaheysiga la sameysanayaan ayuu ku qeexay arrimaha miiska u saaran hadda.

"Tan labaad waa in aan doorashada isku diyaarino. In aan dhaqaale guud abuurno oo laysku filnaado isla markaana la abuuro urur heer Qaran ah maadaama aan isku diyaarineyno xulafo aan isku mabda' nahay," ayuu ku daray.

Cabdiraxmaan oo aas-aaseyaasha ONLF kamid ah ayaa hogaamiye u ahaa labadii sano ee ugu horeysay. Sidoo kale wuxuu hogaamiye u ahaa muddo sanado ah waaxda loo yaqaano "Hogaanka Halganka".

Xukun ama saami?

ONLF ayaa horey ugu dhawaaqay in xisbi ay kaga qeybgaleyso coddeynta 2021. Guud ahaan, Itoobiya waxaa hadda ka socoto diiwaangelinta. Ururka ayaana lagu wadaa in ay is-diiwaan geliyo marka ay soo gaarto warqadda.

Xukuumadda ra'iisul wasaare Abiy Axmed ayaa ku adkeysatay in ay bedeli doonto nidaamka hadda ku shaqeyso Itoobiya isla markaana si rasmi ah u daah-furi doonto siyaasad ku dhisan dimoqraadiyad hufan.

ONLF oo ku fekereysa in ay xubnaheena u tababarto nidaamka dimoqraadiyadda iyo xisbiyadda ayaa qorshaheedu wuxuu yahay "in ay xukunka u qabato degaanka Soomaalida ama in ay saami hesho".

"Waxaan rajeynayaan in aan shacabkeena oo aan u diyaarin karno doorashadaas. Aad baana rajo wanaagsan uga qabnaa in aan ku guuleysano xukunka ama in aan qayb libaax ah ka qaadano oo aan isbaheysiyo abuurno".

ONLF oo la aas-aasey sanadka markii uu ahaa 1984-kii ayaa dagaalo qaraar la gashay Itoobiya iyadda oo raadineysa sidii ay shacabka Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool ay matalaad sax ah uga heli lahaayeen nidaamka jira.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Koonfur Afrika oo Shaqada ka Joojiyay Wasiirka Booliska kadib Eedeymo culus

Waxaa la filayaa in baaritaanka guddiga uu saameyn ballaaran ku yeelan doono kalsoonida dadweynaha ee hay’adaha amniga iyo hufnaanta dowladda.

  • Afrika

    14-07-2025

  • 12:16PM

Masar iyo Eritrea oo Ballanqaaday inay Itoobiya kahor istaagayaan Badda Cas

Madaxweyne el-Sissi, oo khudbad ka jeediyay July 7, ayaa sheegay: “Ciddii isku dayda inay wiiqdo madax-bannaanida Soomaaliya.

  • Afrika

    12-07-2025

  • 07:52PM