Qorshaha ay Kenya kaga hortageyso in ay Al-Shabaab qorato xubno cusub

Image

NAIROBI, Kenya – Mas'uuliyiinta ismaamulka Meru ee waddanka Kenya ayaa soo bandhigay qaab cusub oo ay kaga hortagayaan in ay Al-Shabaab halkaas ka hesho ama ka qorato dagaalamayaal cusub.

Taliyaha Booliska gobolka Allan Machari iyo gudoomiyaha dowlad goboleedka, Kiraitu Murungi, ayaa si wadajir ah waxay kaga codsadeen dhalinyaradda in ay lasoo wadaagaan xogta argagixisadda.

Machari ayaa daboolka ka qaaday in ay bilaabi doonto dabagal culus ay ku sameynayaan baraha bulshadda si ay u xaqiijiyaan in Al-Shabaab aysan qoran dhalin cusub iyo una fashiliyeen weeraradda.

"Waxaan hadda haysanaa qorshe cusub kaasoo laamaha ammaanka ku maalgelineyno si loola dagaalamo xagjirnimadda," ayuu u sheegay wargeyska Daily Star ee kasoo baxay Nairobi.

Sidda laga soo xigtay mas'uuliyiinta, sababaha keena in da'yarta la duufsado waxaa kamid ah shaqo la'aanta iyo faqriga, taas oo ay carabka ku adkeeyeen in ay wax badan ka qaban doonan dhowaan.

"Meru waxay mar walba u nugushahay weerarada argagixisadda balse hay'addaha amniga way iska caabiyaan iyaga soo xira dhamaan xubnaha laga shakisan yahay," ayuu raaciyey taliye Kiraitu.

Kiraitu oo si cad u qiray in tiradda dhalinyaradda gobolka ee ku biireysa Al-Shabaab ay korordhay ayaa carabka ku adkeeyay in ay maqaar-xanuunjisay kana go'an tahay in ay la tacaalaan.

Al-Shabaab oo gacansaar la leh Al-Qaacida ayaa gudaha Kenya ku xoogeysatay markii ciidamadda dalkaas ku biireen howlgalka Midowga Afrika ee nabad ilaalinta Soomaaliya ee AMISOM.

Boqolaal isugu jira shacab iyo askar ayay ku dishay weerarada ay gudaha iyo dibadda kula beegsatay Kenyaanka.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa dhowr jeer ku celceliyey in askarta waddankiisa aysan ka bixi doonin Soomaaliya inta laga ciribtirayo Al-Shabaab oo uu ku qeexay "cadowga koowaad ee Kenya".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM