Mareykanka oo raba in uu Kenya ka fuliyo duqen ka dhan ah Al-Shabaab

Image

NAIROBI, Kenya – Mareykanka ayaa ka fekeraya in uu duqeymo cirka kula beegsado Al-Shabaab gudaha Kenya. Waaxda Difaaca iyo madaxweyne Donlad Trump waxay ansixinayaan go'aankan, sidda ay wararku xusayaan.

Wargeyska afka dheer ee New York Times ayaa saraakiil Ameerikaan ah kasoo xigtay in duqeymaha ay si gaar ah uga dhacayaan ismaamulada Lamu iyo Garissa, halkaasoo dagaalameyaasha Al-Shabaab ay joogitaan ku leeyihiin.

Sidda laga soo xigtay warbixinta, taliska Mareykanka ee qaarada Afrika ayaa fulinaya weeraradan dhanka hawada, iyadoo awoodooda la xadidayo.

Afhayeeno u hadlay AFRICOM iyo Wasaarada Gaashaandhiga Mareykanka oo xaqiijiyey qorshahaan ayaa ka gaabsaday in ay fahfaahin dheeriya bixiyaan.

"Mareykanka wuxuu mar walba doonayaan in uu ilaaliyo badqabka muwaadiniintiisa iyo ciidamadiisa ka jooga Kenya," ayuu yiri afhayeenka Wasaarada kaasoo ku daray "wax walba waanu u qaadeynaa arrintaas".

Safaarada Mareykanka ee Nairobi iyo dowladda Kenya ayaanan ka jawaabin codsiyo loo diray kuna saabsanaa in ay tafaasiil ka bixiyaan hindisahaan.

Washington ayaa haatan Al-Shabaab ku beegsata gudaha Soomaaliya, halkaasoo diyaaradaha ku duqeeya maleyshiyada kasoo duulaan Kenya iyo Jabuuti.

Qorshahaan cusub ayaa la aaminsan yahay in uu cadaadiska ku kordhinayo Al-Shabaab kuwaasoo muddooyinkii dambe xoojiyey beegsiga saldhigyada Ameerikaanka ee labada dal dil iyo dhaawacna ugu geysteen askar Mareykan ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Imaaraadka Carabta oo ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah oo laga sameeyo Itoobiya

Imaaraadka ayaa sheegay in xaaladda cusub ay khatar ku tahay midnimada, madaxbannaanida iyo xasilloonida Itoobiya.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 12:34PM

Aliko Dangote oo dhisaya dhuun shidaal oo Itoobiya iyo Jabuuti isku xiri doonta

Jabuuti ayaa iyaduna ka faa’iidi doonta mashruuca, iyadoo la filayo inay kordhaan shaqooyinka, dhaqdhaqaaqa dekedda iyo dakhliga dowladda.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 05:29AM