Quwadaha dunida oo ku kala qeybsan rabshado kasoo kordhay Sudan

Image

KHARTUUM, Suudaan – Kooxaha Mucaaradka Qaranka Suudaan ayaa sheegaya in ku dhowaad 60 ruux ay ku dhinteen rabshado dib u soo cusboonaadey.

Qulqulatooyinka ayaa lagu eedeeyay in ay geysanayaa ciidamada dowlada kuwaasoo beegsanaya dibad-baxayaasha.

Mudaaharadayaasha oo doonaya dimoqraadiyad dalkaasi ka dhaqan-gasha ayaa waxay dhowr jeer isku dhaceen xoogaga milatariga.

Iska hor-imaadyadda ayaa ka dhacay meelo ay kamid tahay banaanka xarunta Golaha ku meel gaarka milatariga ah.

Warbaahinta reer Galbeedka ayaa ku warameysa in ciidamada ay si toos ah u beegsanayaa rayidka iyaga oo adeegsanaya raas nool-nool.

Tani ayaa dhalisay in milatariga uu la kulmay cambaareyn caalami oo ka dhan ah weerarkooda, sidda ay ku warameyso warbaahinta.

Kadib rabshadahaasi, milatariga ayaa shaaciyey qorshe doorasho lagu qabanayo Sagaal bilood kadib balse waxaa la sheegayaa in kooxaha mucaaradka ay ka biyo diideen.

Qaraar ay soo diyaariyeen UK iyo Jarmalka lana horgeeyay Qaramada Midoobay kaasoo looga dalbaneyay ciidamada in ay joojiyaan rabshadaha ayaa waxaa Talaadadii ka hor-yimid Shiinaha oo taageero ka helay Ruushka.

Tani ayaa waxay ka dhigan tahay in Quwadaha caalamka ay ku kala qeybsan yihiin xaaladda murug-san ka taagan dalka Suudaan.

Dowladnimada Suudaan ayaa wajaheysa halis weyn tan iyo markii xilka laga tuuray Cumar Xasan Al Bashiir kaasoo haatan xiran, iyadda oo ay wali sii socdaan banaanbaxyada isbedel doonka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Itoobiya oo shaacisay in cudur aan Africa loogu arag uu ka dilaacay dalkaas

Xaqiijinta WHO waxay timid maalin kaddib markii hay’addu sheegtay in maamulka caafimaadka Itoobiya ay baarayaan.

  • Afrika

    15-11-2025

  • 05:39AM

Madaxweyne Afwerki oo dhaliilay doorka Qaramada Midoobay ee gobolka Geeska Afrika

Wasiirka Warfaafinta Eritrea, Yemane Meskel, ayaa sheegay in kulanka lagu soo qaaday arrimo ku saabsan horumarinta gobolka.

  • Afrika

    14-11-2025

  • 07:54AM