Quwadaha dunida oo cambaareeyay tacadiyada Tigray

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Kooxda G7 ee hogaamisa quwadaha dhaqaalaha aduunka ayaa sheegay inay "aad uga walaacsan yihiin" warbixinada ku saabsan xadgudubyada xuquuqul insaanka ee ka jira gobolka Tigree ee ay colaaduhu saameeyeen ee Itoobiya.

Kooxdan, oo ay ku jiraan UK, US iyo EU, waxay ku baaqeen in la baaro dambiyada la soo sheegay lana xisaabtamo kuwa ka masuulka ah.

Waxay sidoo kale ku booriyeen Eritrea inay la baxdo ciidamada ka barbar dagaalamaya Ethiopia ee beegsanaya xoogaga Tigreega. Labada dalba ciidamadooda waxaa lagu eedeeyay xadgudubyo badan oo dhanka xuquuqda ah.

Eedeymahaas waxaa ka mid ah dil ballaaran oo loo geysto dadka rayidka ah, kufsi, dhaca iyo xadgudubka qaxootiga.

Baadhitaan ay sameysay BBC Africa Eye ayaa sidoo kale waxay daaha ka rogtay cadeymo muujinaya in militariga Itoobiya ay geysteen xasuuq ay ku dhinteen ugu yaraan 15 nin.

Eritrea ayaa iska fogeysay eedeymaha loo soo jeediyay, halka ra’iisul wasaaraha Itoobiya uu horay u beeniyay in dad rayid ah la dilay.

Colaadan ayaa bilaabatay bishii Nofeembar kadib markii Jabhadda Xoreynta Dadka ee Tigreega (TPLF) ay qabsatay saldhigyo militari oo ku yaal gobolka waqooyiga Itoobiya. Ra'iisul wasaare Abiy Ahmed ayaa markaa amray in la qaado guluf milari si kooxda looga saaro.

Kooxda TPLF ayaa ahaan jirtay xisbiga xukuma aagaas, laakiin waxay isku khilaafeen Mr Abiy dadaalkiisa ku aadan kordhinta awooda dowlada dhexe.

Boqolaal qof oo rayid ah ayaa la dilay tobanaan kun oo kalena waa ay ku barakaceen tan iyo markii uu dagaalku billowday. Dhanka kale ciidamada Tigreega ayaa sidoo kale wajahay eedeymo la xiriira xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Howlgal Sirdoonka Kenya sameeyay oo Lagu Joojiyey Weerar ka dhici lahaa Nairobi

Xogta sirdoonka ayaa sidoo kale tilmaantay in kooxdu qorsheynaysay falal afduub iyo weeraro kale xilliga Ramadaan.

  • Afrika

    19-02-2026

  • 02:18PM

Itoobiya oo Turkiga ka Codsatay Taageero ku Saabsan Helitaanka Marin-Badeed

Abiy ayaa ku dhiirrigeliyay shirkadaha Turkiga inay kordhiyaan maalgashiga ay ku sameeyaan Itoobiya.

  • Afrika

    18-02-2026

  • 01:55PM