Ra’iisul Wasaarihii Hore ee Mali oo Xabsi la dhigay iyadoo milateriga xukunka la wareegay

Image

Bamako, Mali – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Mali, Choguel Kokalla Maïga, ayaa la xiray Talaadadii, kaddib markii lagu eedeeyay musuqmaasuq iyo lunsasho hanti dadweyne, sida ay sheegeen ilo-wareedyo dowladeed.

Maïga, oo xafiiska hayay intii u dhaxeysay 2021 illaa laga eryay xilka bishii Noofembar 2024, ayaa dhawaan la waraystay iyadoo loo haystay kiisas la xiriira maamul xumo iyo lunsasho hanti dadweyne. Xadhiggiisa wuxuu daba socdaa hadallo dhaliil ah oo uu si joogto ah ugu jeedinayay taliska militariga, gaar ahaan kaddib markii doorashooyinkii dalka dib loo dhigay.

Maïga wuxuu xilka ka degay dhowr maalmood un kaddib markii uu si cad u dhaleeceeyay go’aanka militariga ee ahaa in dib loo dhigo doorashooyinka, isagoo tan iyo markaas ahaa mucaarad si weyn uga soo horjeeda xukunka taliska.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo Ra’iisul Wasaare hore oo kale, Moussa Mara, isna la xiray 1-da Agoosto, kaddib markii uu bartiisa X (hore Twitter) ku taageeray dadka mucaaradka ah ee xiran, taas oo lagu eedeeyay "waxyeellaynta sumcadda dowladnimada".

Mali waxaa tan iyo 2020 xukuma talis milatari oo xoog ku qabsaday talada, iyadoo 2021 ay mar kale afgambi sameeyeen. Inkastoo ay ballan qaadeen inay xukunka ku wareejinayaan shacabka ugu dambeyn bishii Maarso 2024, hase yeeshee, bishii Juun ee lasoo dhaafay, hogaamiyaha militariga General Assimi Goïta ayaa loo kordhiyay muddada xil hayntiisa ilaa shan sano oo kale.

Taliska militariga ayaa sidoo kale bishii May kala diray dhammaan xisbiyadii siyaasadeed ee dalka, taasoo sare u qaaday cabsi laga qabo in dalka uu galo xasillooni darro siyaasadeed oo sii dheerata.

GAROWE ONLINE

Related Articles

"Dilaagii Al Fasher Abu Lulu": Waxaan rabay inaan dilo 2,000, laakiin tirada way dhaaftay

Abu Lulu, magaciisa dhabta ahna uu yahay Al Faateh Cabdullaahi Idriis, waa mid ka mid ah taliyeyaasha ugu cabsida badan ee RSF.

  • Afrika

    04-11-2025

  • 05:58PM

Xemedti: Ganacsade Geel oo Noqday Dagaal-Oogaha Maamula kala bar Sudan

Markaas Darfur waxay ahayd gobol sabool ah oo ay dawladda Suudaan ee madaxweynihii hore Cumar Al-Bashiir dayacday.

  • Afrika

    04-11-2025

  • 09:07AM