Ra'iisul Wasaarihii hore Suudaan oo wajahaya "dacwad dil toogasho ah"

Image
Abdalla Hamdok ayaa haatan waxa uu ku nool yahay magaalada Abu Dhabi ee Imaaraadka Carabta.

KHARTUUM, Sudan - Xeer-ilaalinta Sudan ayaa ku eedaysay ra'iisul wasaarihii hore dalkaas Abdalla Hamdok "in uu hurinayo dagaal ka dhan ah dowladda" iyo eedeymo kale oo keeni kara xukun dil ah, sida uu sheegay telefishinka dowladda.

Xafiiska dacwad oogaha waxa uu daacad u yahay taliyaha militariga Abdel Fattah al Burhan, kaas oo ciidamadiisa caadiga ah ay dagaal kula jireen tan iyo bishii Abriil 2023 isaga iyo hogaamiyihii ciidamada militariga Mohamed Hamdan Dagalo.

15 qof oo kale, oo ay ku jiraan saxafiyiin iyo siyaasiyiin sida Hamdok oo kale ku nool dibadda, ayaa wajahaya eedeymo la mid ah sida "ku xadgudubka dastuurka."

Hamdok, oo ahaa siyaasiga rayidka ah ee ugu caansan Suudaan, ayaa ahaa ra'iisul wasaarihii ugu horreeyay ee dalkaas ee ku-meel-gaarka kadib kacdoonkii tobanaan sano ee lagu riday Cumar Al-Bashiir.

Hamdok ayaa la dhigay xabsi guri kadib markii bishii Oktoobar 2021 afgambi ay fuliyeen xulafadii hore ee Dagalo iyo Burhaan.

Dib u soo celin kooban ka dib, Hamdok ayaa wuxuu is casilay Janaayo 2022 wuxuuna u cararay Abu Dhabi. Waxa uu tan iyo markii uu dib u soo noqday qayb ka mid ah isbahaysiga cusub ee loo yaqaan Taqadum.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Itoobiya oo shaacisay in cudur aan Africa loogu arag uu ka dilaacay dalkaas

Xaqiijinta WHO waxay timid maalin kaddib markii hay’addu sheegtay in maamulka caafimaadka Itoobiya ay baarayaan.

  • Afrika

    15-11-2025

  • 05:39AM

Madaxweyne Afwerki oo dhaliilay doorka Qaramada Midoobay ee gobolka Geeska Afrika

Wasiirka Warfaafinta Eritrea, Yemane Meskel, ayaa sheegay in kulanka lagu soo qaaday arrimo ku saabsan horumarinta gobolka.

  • Afrika

    14-11-2025

  • 07:54AM