Rag loo haysto Shabaabnimo oo maxkamad lagu soo taagey Kenya

Image

NAIROBI, Kenya – Illaa iyo shan shaqsi oo looga shakisan ahay Al-Shabaabnimo ayaa maxkamad lagu soo teegay waddanka Kenya.

Raggaan ayaa waxaa lagu kala magacabaa; Qaasim Cali, Maxamed Mwachande, Maxamed Saalim, Maxamed Cabdalla iyo Cali Cumar Bwanadi.

Xeer-beegtada ayaa sidoo kale waxay ku tuhmeysaa xubnahaan in ay ka dambeeyeen dil bishii October 2015-kii loo geystay sarkaal boolis.

Dilkaasi oo ka dhacay magaaladda Mombasa ayaa waxaa horey loo qaatey qorigii uu watay sarkaalkaasi iyo agab kale.

Eedeymaha kale ee lagu soo oogey raggaa waxaa kamid ah dhac hubeysan, wallow ay gebi ahaanba iska fogeeyeen.

Qariga askariga ee la qaatey ayaa waxaa ku jirtay 20 xabadood, sidda ay ku warameyso jariiradda Daily Nation.

Qaasim oo la sheegay in si gaar ah looga tuhunsan yahay ayaa ku eedeeyay ciidamada bileyska in ay garka u gelinayaa dambi uusan lahayn.

"Ciidamada markiiba ay arkaan aqoonsigeyga waxay igu dhahayaan waxaa tahay Al-Shabaab, taasina sax ma ahan," ayuu u sheegay maxkamadda.

Bishii May ayaa Qaasim waxaa lagu waayey dambi ah in uu ka tirsan kooxda gacan-saarka la leh Al-Qaacidda.

Ragga kale ee lala soo xiray oo beeniyay eedeymahan ayaa tilmaamay in ay 200 kilometer u jireen falka uu falku ka dhacay maalintaasi.

Kenya ayaa la daalaadhaceysa weeraro kaga yimaada Al-Shabaab tan iyo markii ay ciidamadeeda soo galeen gudaha Soomaaliya 2011-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabuuti oo u diyaar garowday doorashada madaxtooyada, Geelle oo la filayo inuu guuleysto

Doorashadii ugu dambeysay ee 2021 ayuu ku guuleystay Geelle qiyaastii 98 boqolkiiba codadkii la dhiibtay.

  • Afrika

    09-04-2026

  • 12:03PM

Ciidanka Kenya oo Islii ku Qabtay Dharka Tuutaha oo loo waday Al-Shabaab

Saraakiisha amniga Kenya ayaa sheegay in hawlgalkan uu dhabar-jab weyn ku yahay saadka iyo qorshayaasha kooxda Al-Shabaab.

  • Afrika

    09-04-2026

  • 06:19AM