Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed oo ka hadlay geerida Aabihii

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa markii ugu horeysay wuxuu si dareen leh uga hadlay geerida aabihii.

Axmed Cali ayaa talaadadii ku dhintay gobolka Oromada, halkaasi oo uu asal ahaan kasoo jeeda kuna dhashay.

War qoraal ah oo lasoo dhigay barta Twitter-ka ee xafiiska wasiirka koowaad ee xukuumadda Addis Ababa ayuu dareenkiisa ku muujiyey.

"Ra'iisu Wasaare Abiy Axmed waxa uu dadka degaanka iyo beesha caalamka uu si dareen ah ugu soo gudbinayaan fariinta tacsida iyo filashada wax wanaagsan xili uu ka murugoonayo dhimashada aabihii," ayaa lagu yiri qoraalka.

Sikastaba ha ahaatee, Abiy ayaa ka qeybgalay tacsida Aabihii kaasi oo ahaa wadaad Muslim ah isla markaana caan ka ah gudaha Itoobiya.

Abiy hooyadii oo dhimatay ayaa waxay haysatay diinta Masiixiyiinta waxayna kasoo jeeda qowmiyada Amxaarada ee Itoobiya, halkaasi oo ra'iisul wasaaraha Itoobiya uu raacey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo diblomaasi Itoobiyaan ah ka saartay dalka, 48 saacadoodna u qabatay

Tallaabooyinka is-daba jooga ah ayaa sii xumeynaya xiriirrada diblomaasiyadeed ee u dhexeeya dalalka gobolka.

  • Afrika

    02-10-2026

  • 07:52AM

Itoobiya oo Xirtay Safaaraddeeda Asmara, Diblomaasiyiin Eritrean Ahna Dalkeeda Ka Saaraysa

Xiisadda cusub ayaa kusoo beegmaysa xilli Itoobiya ay raadineyso marin toos ah oo ay uga hesho Badda Cas.

  • Afrika

    01-10-2026

  • 05:03PM