Ra'iisul wasaarihii hore ee Suudaan oo u geeriyooday Coronavirus

Image

KHARTUUM, Sudan – Ra'iisul Wasaarihii hore ee Suudaan, Sadiiq Al-Mahdi, ayaa u geeriyooday safmareenka Coronavirus. Saddex todobaad kahor ayay ahayd markii safmarkan awadeed loo dhigay isbitaal ku yaala Imaaraadka.

Mahdi oo ahaa 84-jir ah ayaa ahaa Ra'iisul Wasaarihii ugu horeeyay oo Suudaan ay si dimuqraadi ah u dooratay. Balse waxaa inqilaab milatari xukunka ugala wareegay hogaamiyihii hore Cumar Xasan Al-Bashiir sanadkii 1989.

Bishii lasoo dhaafay, qoyska Al Mahdi ayaa shaaciyey in laga helay Coronavirus. Bayaan ay soo saareen ayay ku xuseen in loo duuliyey Imaaraadka.

War-saxaafaded kasoo baxay xisbiga uu ka tirsan yahay ee Umma Party ayaa lagu xusay in Jimcada lagu aasi doono magaalada Omdurman ee Suudaan.

Marxuumka ayaa ku laabtey Suudaan December, 2018 kadib markii uu musaafuris shaqsi ah ugu maqnaa dibadda, isagoo waqtigaas xusay in uu qoonsaday qalalaase dhaqaale ee maamulkii Al-Bashiir uu waddanka u horseeday.

Al-Bashiir ayaa ugu dambeyntii waxaa galaaftay banaanbaxyo shacabka dhigeen taasoo kaliftey in ciidamada milatariga kala wareegaan awooda.

Intii mudaaharaadyaddu socdeen, Maryam Saqiid Al Mahdi oo ah gabadh uu dhalay ahna hogaamiye ku xigeenka xisbiga Umma, ayaa kamid ahayd boqolaal ruux oo maamulkii Al-Bashiir xiray si ay u hakadaan isu soo baxyada.

Sadiiq Al-Mahdi ayaa kamid ahaa siyaasiyiinta ugu caansan Suudaan kuwaasoo kaalinta weyn ku lahaa cadaadiska maamulkii Al-Bashiir meesha uga baxay. Balse, door fiican kama cayaarin dowladda ku meelgaarka ah ee hada jirta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Howlgal Sirdoonka Kenya sameeyay oo Lagu Joojiyey Weerar ka dhici lahaa Nairobi

Xogta sirdoonka ayaa sidoo kale tilmaantay in kooxdu qorsheynaysay falal afduub iyo weeraro kale xilliga Ramadaan.

  • Afrika

    19-02-2026

  • 02:18PM

Itoobiya oo Turkiga ka Codsatay Taageero ku Saabsan Helitaanka Marin-Badeed

Abiy ayaa ku dhiirrigeliyay shirkadaha Turkiga inay kordhiyaan maalgashiga ay ku sameeyaan Itoobiya.

  • Afrika

    18-02-2026

  • 01:55PM