Raila oo loo tanaasulay, si uu u noqdo guddoomiyaha AUC

Image

NAIROBI, Kenya - Raila Odinga ayaa markale helay dhiirigelin kale oo ku aadan tartankiisa Guddiga Midowga Afrika (AUC), kadib markii musharaxa Seychelles uu xaqiijiyay inuu isaga haray tartanka.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Seychelles Vincent Meriton ayaa xaqiijiyay in uu isaga haray tartanka, isagoona ku baaqey in la taageero musharaxa Kenya ee Raila Odinga.

Vincent Meriton ayaa sheegay in sababo caafimaad uu uga tanaasulay musharaxnimadiisa xilka guddoomiyaha Midowga Afrika bishii July ee sanadkan.

"Maanta waxaan rabaa in aan taageero siiyo mudane Raila Odinga oo u socdaalaya meelo fog fog oo qaaradda ah si uu u faafiyo fariintiisa Pan Africanism, nabadda, amniga, barwaaqada dhammaan qaaradda iyo muwaadiniinteeda," ayuu yiri Vincent.

Meriton waxa ay carabka ku dhufatay in maadaama Afrika ay u baahan tahay hogaan cusub oo AUC ah maadaama ay isu taageyso in ay kaalin muuqata ka qaadato masraxa caalamiga ah.

Wuxuu intaas ku daray in tartanka uusan ahayn loolan ka dhex jira musharixiinta balse uu yahay in la helo qofka ugu wanaagsan ee hoggaamin kara qaaradda, xilkaas oo uu sheegay in Raila uu ku habboon yahay.

"Raila Odinga, dhammaan dowladaha xubnaha ka ah iyo dhammaan bulshooyinka dhaqaalaha gobolka, kuma guuleysan karno hadafkeenna. Aan isaga u hiilino oo aan u hiilino qaaraddeena, ubadkeena, hooyooyinka, ganacsiga iyo dhamaan bulshadeena oo dhan," ayuu hadalkisia raaciyay musharaxa tanaasulay.

Doorashadda gudoomiyaha gudiga Midowga Afrika ayaa ka dhici doonto Addis Ababa bisha Febuary 2025. Jabuuti ayaa la tartamaysa Kenya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Museveni oo hoggaanka u haya doorashada Uganda, mucaaradka oo cabanaya 

Suxufiyiin maxalli ah ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay ka hor istaageen inay gaaraan guriga Bobi Wine ee xaafadda Magere ee Kampala.

  • Afrika

    17-01-2026

  • 12:35PM

Doorashada Uganda: Madaxweyne Museveni oo Raadinaya Markiisii 7-aad

Doorashada ayaa ku bilaabatay jawi kacsan, waxaana la soo sheegayaa in meelaha qaar laga jaray adeeggii internet-ka.

  • Afrika

    15-01-2026

  • 11:56AM